Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
1-dii bishan Oktoobar, Iiraan waxa ay Israa’iil ku weerartay ilaa 200 oo gantaalaha ballistic-ga ah, weerarkaasi oo ku dhawaad laba jibaar ka weynaa kii ay Iiraan ku qaadday Israa’iil bishii Abriil.
Antony Blinken oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: “Tani gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin, caalamka oo dhanna waa in uu cambaareeyaa.”
“Warbixinnada horudhaca ah ayaa sheegaya in Israa’iil, oo taageero buuxda ka heleysa Mareykanka iyo saaxiibada kale, ay si wax ku ool ah uga hortagtay weerarka.”
Madaxweyne Ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa tiri:
“Iiraan waa xoog khalkhal xasilooni-darra ah ka wadda Bariga Dhexe, weerarka maanta lagu qaaday Israa’iilna waxa uu sii caddeynayaa xaqiiqadaasi.”
“Waxaan si buuxda u taageersanahay amarkii Madaxweyne Biden ee ahaa in militariga Mareykanka ay soo ridaan gantaallada Iiraan ee lala beegsaday Israa’iil, sidii aan sameynay bishii Abriil.”
Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri:
“Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe waxa ay qabteen gantaallo badan oo ay Iiraan ku ridday Israa’iil, annagoo fulinayna ballan-qaadkii ahaa in aan Israa’iil ku garab siinno difaaceeda.”
“Marna kama labalabayn doonno ilaalinta ciidamadeena iyo danaheenna Bariga Dhexe, iyo in aan taageerno difaaca Israa’iil iyo saaxiibadayada gobolka.”
Matthew Miller oo ah Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yiri: “Waxa aad aragteen Iiraan oo qaadeysa weerar dal ka dal ah oo ay ku ilaalineyso kuna difaacayso kooxaha argagixisada ah ee ay dhistay, kobcisay, islamarkaana ay maamusho.”
“Sida uu Madaxweynuhu caddeeyay, taageeradayada ammaanka Israa'iil waa mid bir ah.”
“Waxa aan sii wadi doonnaa garab istaagga dadka Israa’iil xilligan xasaasiga ah.”