Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay shan sano oo cusub oo dadaal dowladeed oo dhammeystiran ah kaasi oo lagu horumarinayo ilaalinta iyo daryeelka carruurta dhibaateysan, oo ah Istaraatiijiyadda Kobcinta Carruurta.
Carruurta ay dhibaatadu haysato waa kuwa ku hoos nool xaalado aad u daran iyo khataro. Waxaa ku jiri kara carruurta aan laheyn qoys daryeela; carruurta la tahriibiyay; carruurta la kulma rabshadaha, kuwa sida qasabka ah loogu shaqeysto, ama kuwa ku nool gobollada ay aafeeyeen iska-horimaadyada hubaysan, dhibaatooyinka bini'aadantinimo, ama khataro dabiici ah. In xaaladahan oo kale ay la kulmaan caruurnimadooda ayaa u horseedi karta dhibaatooyin nololeed oo joogto ah.
“Haddii aan rabno in mid ka mid ah dadaalladayada kale ee horumarineed uu guuleysto, runtii waa muhiim in aan ka bilowno sannadahaasi hore,” ayay tiri Ku-xigeenka kaaliyaha Maamulaha Wakaaladda USAID, Dr. Bama Athreya.
“Waxaa jira heshiis ballaaran oo ah in aan ilaalinno carruurta ugu nugul adduunka. Heshiis baahsan oo ah in uu na saaran yahay waajib akhlaaqeed si loo daryeelo ubadka ay qoysaskooda kala lumen, ama kuwa waayay waalidkood ama qof daryeela.”
“Istaraatiijiyadda Kobcinta (Thrive) ee dowladda Maraykanku waxa ay leedahay saddex ujeeddo,” ayay tiri Dr. Athreya.
“Ujeeddada koowaad waa dhisidda bilow xooggan.”
“Boqolkiiba 80 korriinka maskaxda ayaa yimaada saddexda sano ee ugu horreeya ee nolosha. Markaa inkastoo ay aad u wanaagsan tahay in aan taageerno waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada sare ee adduunka oo dhan, dadaalladaasi waxa ay noqonayaan kuwo aad waxtar u leh haddii aan maalgelinno sannadaha ugu horreeya.”
"Ujeedada labaad ee Istaraatiijiyada Kobcinta (Thrive) ee Mareykanka waa in qoysaska laga caawiyo in ay horumaraan.”
“Waxaan ognahay in caruurtu ay u baahan yihiin kalgaceyl, daryeel iyo korin, waxayna sida ugu wanaagsan sameeyaan marka ay helaan daryeelka koriinka ee qoyskooda. Laakiin carruur aad u badan oo dunida oo dhan ku nool ayaa lumiyay waalidkood ama daryeeleyaal. … Waxa aan sameynayno ayaa ah in aan gacan ka geysanno xoojinta nidaamyada bixin kara daryeelka qoyska ee ku habboon carruurtan.”
“Ugu dambayn, ujeeddada saddexaad ee Istaraatiijiyadda Kobcinta (Thrive) waa ka ilaalinta carruurta ee rabshadaha,” ayay tiri Ku-xigeenka Kaaliyaha Maamulaha USAID, Athreya.
“Carruur aad u badan, marka ay waayaan daryeelkaasi koriimmada iyo dadka iyaga daryeelaya, aad bay ugu nugul yihiin waxyeello iyo dhiig-miirasho. Waxaan u baahanahay in aan joojino xadgudubyada ka dhanka ah carruurta. … Waxaan u baahanahay nidaam lagula xisaabtamayo dambiilayaasha oo bixinaya adeegyada ay u baahan karaan carruurta dhibban.”
“Carruurta ku badbaadda guriga iyo dugsiyada waxa ay haystaan fursad wanaagsan oo ay ku horumariyaan noloshooda oo dhan,” ayay tiri Ku-xigeenka Kaaliyaha Maamulaha, Athreya. “Tani waa waajib akhlaaqi ah iyo mid horumarineedba.”