Accessibility links

Breaking News

Nin Afghani ah oo lagu eedeeyey shirqool argagixiso oo ka dhan ah doorashada Mareykanka


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Isku-day lagu doonayo in lagu faragelliyo doorashooyinka soo socda ee Maraykanka, jilayaasha ajnabiga ah, oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha, iyo Iiraan, ayaa sameeyay in macluumaad been abuur ah iyo kuwa marin habaabin ah; in la jabsado ololaha musharraxiinta madaxweynaha; iyo in la kordhiyo hadallada kala qeybinta ah si shaki loo geliyo nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah.

8-dii Oktoobar ayay Waaxda Caddaaladda Mareykanka soo bandhigtay isku-day kale oo khatar ah. Waaxda Caddaaladda ayaa ku dhawaaqday eedeymo ka dhan ah muwaadin Afghanistan ah oo deggan magaalada Oklahoma City, ee gobolka Oklahoma, kaasi oo lagu eedeeyay in uu maleegayay weerar argagixiso oo dhaca maalinta doorashada isagoo ka wakiil ah dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo al-Sham, ama ISIS.

Ninka dacwadda lagu soo oogay waa Nasir Axmad Tawhedi, oo 27 jir ah, kaasi oo Waaxda Caddaaladda ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “in uu maleegay iskuna dayay in uu taageero agab ah siiyo ISIS oo uu ka helay hub iyo rasaas si uu u fuliyo weerar gacan ka hadal ah oo ka dhaca dhulka Mareykanka isagoo ka wakiil ah ISIS. Iyadoo qeyb ka ah qorshaha, eedaysanaha ayaa lagu eedeeyay in uu qaaday tallaabooyin uu ku isticmaalayo hantida qoyskiisa, xubnaha qoyskiisa dalka dibaddiisa ugu raro, in uu helo qoryaha AK-47 iyo rasaas, iyo in uu weerarro argagixiso ka fuliyo Mareykanka.”

Wareysi xariga ka dib laga qaaday, Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in Tawhedi uu xaqiijiyay in weerarka uu qorsheysnaa Maalinta Doorashada “oo lala beegsan lahaa dadka badan ee isku soo baxay” iyadoo inta uu weerarku socdo ay isaga iyo rag dhallinyara ah oo kala qeyb galayay ay “filayeen in ay ku shahiidaan.”

“Waaxda Caddaaladda ayaa fashilisay qorshaha eedaysanaha,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland. “Waan sii wadi doonnaa la-dagaalanka khatarta joogtada ah ee ISIS iyo taageerayaasheedu ay ku hayaan amniga qaranka Mareykanka, waxaanna aqqoonsan doonnaa, baari doonnaa, maxkamadeyn doonnaa shaqsiyaadka doonaya in ay argagax geliyaan dadka Mareykanka.”

Agaasimaha hay’adda FBI-da Christopher Wray ayaa yiri, “Argagixisadu wali waa mudnaanta koowaad ee FBI-da, waxaanna u adeegsan doonnaa awood kasta si aan u difaacno dadka Mareykanka.”

XS
SM
MD
LG