Accessibility links

Breaking News

Arrimaha amni ee ugu deg degta badan ee Mareykanka uu wajahayo


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Iyadoo Mareykanku isku diyaarinayo in si nabad ah madaxtinimada lagula kala wareego 20-ka bisha Jannaayo ee 2025-ka, La-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan khataraha amni ee ugu daran ee uu Mareykanku wajahayo:

“Haddii aad eegto tartanka istaraatiijiyadeed, loollanka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa noqonaya mid qeexaya sida dunidu u ekaan doonto muddada 10-ka, 20-ka, iyo 30-ka sano ee soo socda, sidaas darteedna waa in uu kaasi noqdaa mudnaanta ugu weyn ee maamulka imaanaya.”

Lataliyaha Amniga Qaranka Sullivan ayaa hoosta ka xariiqay in si Mareykanka iyo Shiinaha ay tartankooda si mas'uuliyad leh ugu maamulaan loo baahan yahay in labada dal ay muddada fog sii wadaan khadadka isgaarsiinta ee heer kasta ah, gaar ahaan heerka militari ilaa militariga kale.

Loollanka siyaasadda arrimaha dibadda ee “ugu degdegsan” ee uu wajahayo Mareykanka, ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Sullivan, “waa Iran iyo kooxaheeda wakiillada ah [kuwaasi] oo sii wada in ay qaadaan tallaabooyin si toos ah khatar u gelinaya Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, waana in si degdeg ah wax looga qabtaa.”

“Iyadoo ay labadaasi jiraan, [PRC iyo Iran] waxaa isna socda dagaal gardarro ah oo Ruushku ku qaaday Ukraine taas oo ka dhigan khatar weyn oo ku wajahan amniga Yurub, iyo sidoo kale, amniga caalamiga ah. Waxaa kale oo jira Waqooyiga Kuuriya oo imanaysa si ay dagaalkaasi u geyso ciidankeeda.”

La-taliyaha Amniga Qaranka Sullivan waxa uu carrabka ku adkeeyay in guusha laga gaarayo la tacaalidda arrimaha degdegga ah ee siyaasadda dibadda, oo ay ku jirto tartanka muddada dheer ee Mareykanka kala dhexeeya Shiinaha (PRC), ay u baahan tahay aasaas ay u dhan yihiin labada xisbi.

“Qeybaha ugu muhiimsan ee siyaasadda aan ku howlgalnay ee maamulkan, ee ku saabsan PRC iyo indo-Pacific, waxa ay ahaayeen kuwa labada xisbi ka yimid. Isla taasina waa sax marka laga hadlayo Ukraine, halkaasi oo ay jirtay taageero xoog leh oo labada xisbi ah iyo codadka labada aqalka ee Wakiillada iyo Guurtida (Senate) ee kaalmaynta iyo istiraatiijiyadda Ukraine. Markaa, sida aan qabno, waxaan jecelnahay in ay taasi sii socoto.”

Kuwani waa go’aammo maamulka imanayaa ay tahay in uu isagu la yimaado, ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Sullivan. “Waxa kaliya ee aan dhihi karo,” ayuu raaciyay, “waa marka ay timaaddo maalgelinta xulufadeenna, ilaha awoodda ee dalkeenna, ilaalinta tignoolajiyadda horumarsan, kuwani waa waxyaabaha aan sii wadi doonno in aan u doodno sababtoo ah annagu uma haysano in ay yihiin arrimo siyaasadeed. Waa arrimo Maraykan ah oo u adeegi kara dhammaan dadka waddankan. “

XS
SM
MD
LG