Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo weli si xooggan ugu lug leh Haiti


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Qalalaasaha amni-darro ayaa weli ka sii socda Haiti. Duulimaadyada ka taga Mareykanka ee u socda Haiti ayaa muddo bil ah waxaa mamnuucday Maamulka Duulista Hawada Mareykanka ee (FAA) ka dib markii dhowaan ay rasaas haleeshay diyaarado xilli ay isku dayayeen in ay ku degaan magaalada Port-au-Prince. Rasaastaasi darteed ayuu garoonku u xirnaa ilaa 18-kii November, taasi oo dib u dhac ku keeneysa gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Dhanka kale xaaladda siyaasadeed ayaa weli ah mid kacsan. 10-kii November, Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Haiti, TPC, ayaa saxeexay wareegto xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaarihii ku-meel-gaarka ahaa Garry Conille. Golaha TPC ayaa la aasaasay bishii April si uu Haiti ugu hago maamul dimoqraadi ah iyo doorashooyin cusub. TPC waxa ay Conille, oo muddo lix bilood ah shaqaynayey ku bedeshay Alix Didier Fils-Aimé, madaxweynihii hore ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Haiti.

Bayaan uu soo saaray, Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Matthew Miller ayuu ra'iisul wasaarihii hore uga mahad celiyay “shaqadii sharafta laheyd ee uu u qabtay dalkiisa.” Mr. Miller waxa uu yiri, “Mareykanku waxa uu aqqoonsan yahay in Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Madaxtooyada Haiti iyo Ra’iisal-Wasaare Garry Conille ay awoodi waayeen in ay si wadajir ah usii wada shaqeeyaan, waxaanan tixgelinaynaa go’aanka TPC ee uu qofkii beddeli lahaa ku magacaabay. Mareykanku waxa uu rajeynayaa in uu la shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Alix Didier Fils-Aimé iyo TPC si loo xoojiyo horumarka mudnaanta leh ee muhiimka ah bilaha soo socda.”

Mr. Miller waxa uu soo dhaweeyay ballan-qaadka TPC iyo ra'iisul wasaaraha cusub ee “qorshe hawleed wadajir ah oo qeexaya aragtidooda ku aaddan horumarinta amniga iyo maamulka, iyo in la dejiyo habraaca doorashooyin xor iyo xalaal ah.”

Haiti ayaa sanado waxaa ka jiray rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha gaangiska ama burcadda hubeysan. Bishii September ee 2024-ka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay muddo 12 bilood ah hawlgalka caalamiga ah ee nabad ilaalinta Haiti (MSS) ee ay Kenya hoggaamineyso, si looga caawiyo booliiska Haiti in ay joojiyaan qalalaasaha.

Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Vedant Patel ayaa sheegay in Mareykanka uu “diiradda si adag u saarayo” wax ka qabashada qalalaasaha ka jira Haiti:
“Howlgalka MSS waxa uu sii wadaa in uu horumariyo istaraatijiyadda hawlgalka, iyadoo diiradda la saarayo wada-shaqaynta Booliska Qaranka Haiti. Waxaan dooneynaa in aan bixinno ku dhawaad $628 milyan oo taageero maaliyadeed iyo mid maaddi ahba aan siinno howlgalka MSS. Tan waxaa ku jiri doona baabuurta gaashaaman, raadiyayaasha, muraayadaha habeenkii wax lagu arko, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

“Waxaan rajeyneynaa in aan la shaqeyno ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabay,” ayuu yiri Ku-xigeenka Afhayeenka, Patel. “Baahiyaha ba’an ee dadka Haiti waxa ay qasab ka dhigayaan in dowladda ku-meel-gaarka ah ay mudnaanta siiso maamulka iyo danaha siyaasadda, waxaanan sii wadi doonnaa in aan si qoto dheer uga qeyb qaadanno arrintan.”

XS
SM
MD
LG