Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xoojiyey taageeridda xuquuqda aadanaha


Biden
Biden

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Madaxweyne Joe Biden waxa uu sameeyay ballan-qaad ah in uu siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka mudnaanta ku siinayo arrimaha xuquuqda aadanaha, ayay tiri Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Uzra Zeya oo hadal dhowaan ka jeedisay Munaasabadda Abaalmarinta Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

“Waxaan soo hoynay horumar muhiim ah iyo hal-abuuro ka tagaya dhaxal waara oo ku saabsan xuquuqul insaanka guud ahaan dunida, oo ay ka mid yihiin in laga faa’iidaysto hay’adaha caalamiga ah si ay wax uga qabtaan ahmiyadaha Mareykanka ee xuquuqda aadanaha, innagoo sameynay ka go’naanshiyo adag oo ah in aan dib u xaqiijinno hoggaaminta Mareykanka, ku soo laabashada Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Golaha Xuquuqul Insaanka, innaagoo dhisnay xiriir cusub oo aan la yeelannay saaxiibadeenna cusub iyo kuwa aan yeelan doono.”

Waxa ay taasi keentay natiijooyin dhaxal-gal ah oo ay ka mid tahay in Ruushka laga joojiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, sababtuna waa duullaankii uu ku qaaday Ukraine, iyo sameynta heshiis caalami ah oo ku saabsan qaraarkii abid ugu horreeyey ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan horumarinta maskaxda macmal ah oo noqda mid ammaan ah, badqab leh, oo la aamini karo si loo gaaro horumar waara.

“Waxaan sidoo kale xaqiijinnay heshiiskii ugu horreeyay ee dunida ee ku saabsan maskaxda macmalka ah (AI) ee Golaha Yurub, kaas oo qeexaya aragtida la wadaago ee la xiriirta sida dowladaha ixtiraama xuquuqda aadanaha ay u wajihi doonaan AI-ga si waafaqsan ixtiraamka xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, iyo sharciga, ” ayay tiri ku-xigeenka Xoghayaha, Zeya.

“Waxaan sidoo kale adeegsannay hab cusub oo isla-xisaabtan oo ka dhan ah kuwa ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha,” ayay tiri Xoghaye Zeya.

“Waxaan ballaarinnay agabkeenna oo aan la kaashannay yoolasha istiraatijiyadeed ee ah beddelidda hab-dhaqanka iyo ka hortagga kuwa sharciga jebiya. Annagoo wadashaqeyn dhow la sameyneyna Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyadda, waxaan isticmaalnay kontaroollada wax laga dhoofiyo iyo cunnaqabateyno si aan shirkadaha iibiya spyware-ka ganacsiga sida NSO Group, Intellexa, Cytrox, iyo kuwa kale aan ugala xisaabtanno in kuwa ku tunta xuquuqda aadanaha ay ka iibiyaan aaladaha internetka ee waxyeellada leh, kuwaasi oo khatar ku ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa ay sii kordhisay dadaalladan iyadoo hirgelinaysa xannibaadaha fiisaha ee shakhsiyaadka sida xun u isticmaala spyware-ka ganacsi ama iyaga ama xittaa qoysaskoodu ay faa'iido maaliyadeed ka heleen si xun u adeegsiga tignoolajiyadan.

Ugu dambayntiina, Mareykanku waxa uu si toos ah uga hortagay hanjabaado cusub iyo kuwo soo if baxaya, ayay tiri Ku-xigeenka Xoghayaha, Zeya.

“Waxa aan caburinta caalamiga ah, ama TNR, ka dhignay ajandaha Qaramada Midoobay, waxaanna dejinay siyaasad cusub oo gudaha ah oo aan fiisaha uga xaddideyno dambiilayaasha. Waxaan sidoo kale in ka badan 16 milyan oo doollar oo barnaamijyo ah siinnay difaacayaasha ku howlan ka hortagga musuqmaasuqa, oo ay ku jiraan saxafiyiinta ka shaqeynaya sidii ay daaha uga rogi lahaayeen.”

Mareykanku waxa uu u taagan yahay meel wanaagsan si uu u sii wado difaacidda iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dunida oo dhan.

XS
SM
MD
LG