Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ka walaacsan barnaamijka gantaalaha riddada dheer ee Pakistan


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowaldda Mareykanka

Mareykanka ayaa ka walaacsan khatarta sii fidaysa ee ka imanaysa barnaamijka gantaalaha riddada dheer ee ay dooneyso Pakistan oo ah dal haysta hubka Nukliyeerka. Isagoo dhowaan ka hadlayay xarunta Carnegie Endowment for Peace International ee magaalada Washington, ku xigeenka Lataliyaha Amniga Qaranka Jon Finer ayaa sheegay in haddii Pakistan ay sii waddo horumarinta tignoolajiyadda casriga ah ee gantaalaha, “Pakistan waxa ay yeelan doontaa awood ay ku duqeyso bartilmaameedyo aad uga fog Koonfurta Aasiya, oo ay ku jiraan Mareykanka, taasi oo dhalineysa su’aalo dhab ah oo ku saabsan damaca Pakistan.”

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Finer ayaa sheegay in Mareykanku uu walaaciisa u bandhigay Islamabad, laakiin “nasiib-darro, waxa aan dareensannahay in Pakistan ay ku guul-darreysatay in ay walaaceenna u qaadato si dhab ah.”

Sidaasi awgeed, maamulka Biden ayaa hergeliyay tillaabooyin xiriir ah si uu ula tacaalo horumarinta dheeraadka ah ee nidaamyada gantaallada riddada dheer ee Pakistan, ayuu xusay Mr. Finer.

“Sanadkii la soo dhaafay, waxaan soo saarnay saddex wareeg oo cunnaqabatayn ah oo ka dhan ah hay’adaha aan dowliga aheyn ee Pakistan ka taageera barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Pakistan. 18-kii December, waxa aan si toos ah u soo saarnay cunnaqabateyn ka dhan ah Xarunta Horumarinta Qaranka ee ay leedahay dowladda Pakistan, ... waana markii ugu horreysay ee aan cunnaqabateyn saarno shirkad ay leedahay dowladda Pakistan oo ka shaqeysa horumarinta gantaalaha.”

Marka laga soo tago the National Development Complex, (NDC) oo kormeerta barnaamijka gantaallada riddada dheer ee Pakistan, Mareykanku waxa uu cunnaqabateyn saaray saddex hay’adood oo kale oo ku yaal magaalada Karachi kuwaasi oo u shaqeeyay NDC ama NDC u fududeeyay soo iibinta agabka gantaalaha la xiriira kaasi oo taageeraya Barnaamijka gantaalaha ballistic-ga Pakistan: Akhtar and Sons Private Limited, Affiliates International, iyo Rockside Enterprise.

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Finer ayaa ku nuux-nuuxsaday in Mareykanku muddo dheer uu Pakistan saaxiib kala ahaa dhinacyada horumarinta, la-dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee ammaanka. “Waxa aan taageero siinay Islamabad wakhtiyo adag,” ayuu yiri isagoo intaa raaciyay, “waxa aan sii wadnaa in aan rabno xiriir iskaashi oo quseeya dhinacyadan danaha aan wadaagno ah.”

Shir jaraa'id oo dhowaan uu qabtay, Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Vedant Patel ayuu ku yiri, “Mareykanka waxaa ka go’an in uu ilaaliyo nidaamka xakameynta hubka ee caalamiga ah, Pakistanna waa saaxiib muhiim ah u ah arrintaas."

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan si cad oo joogto ah u muujineynay welwelka aan ka qabno barnaamijka gantaalaha riddada dheer ee Pakistan.”

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay sii wadi doontaa inay adeegsato cunnaqabateynta iyo hababka kale si loo ilaaliyo amniga qaranka iyo in la hubiyo in shirkadaha wax dhoofiya ee Mareykanka iyo nidaamyada maaliyadeed ee Mareykanka aysan kuwa horumarinta hubka ka shaqeynaya ku xadgudbin,” ayuu yiri afhayeenka Patel. “Waxaan rajeyneynaa in aan sii wadno in aan arrintan si wax ku ool ah ugala macaamilno dowladda Pakistan.”

XS
SM
MD
LG