Accessibility links

Breaking News

Iskaashiga sii kordhaya ee Pyongyang iyo Moscow


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

15-kii sano ee la soo dhaafay, Guddiga Khubarada ee Qaramada Midoobay ee 1718 waxa ay bixinayeen falanqeyn iyo talooyin ku saleysan xaqiiqda, oo madax banaan kuwaasi oo ku saabsan hirgelinta cunnaqabateynta Qaramada Midoobay ee DPRK, ama Kuuriya Waqooyi.

Linda Thomas-Greenfield, oo ah Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa tiri.

“Diidmada qayaxan ee uu ku hor istaagay cusboonaysiinta waajibaadka guddiga khubarada ee 1718, Ruushku waxa uu doonayey in uu … dunida ka qariyo runta ku saabsan falalka khatarta ah ee DPRK iyo ku lug lahaanshaha Ruushka ee falalkaasi.”

“Kuuriyada Waqooyi ayaa hadda u dirtay Ruushka in ka badan 20,000 oo konteenar rasaas ah ilaa maanta.”
“Gantaalahan ayaa markii dambe lagu weeraray Ukraine.”

“Hadda, Ruushku waxa uu u weecday in uu DPRK ka helo askar iyo sidoo kale hub, si uu u sii wado dagaalka gardarrada ah ee ka dhanka ah Ukraine. “

“Tani ma ahan waddo hal dhinac ah. Markasta oo uu Ruushku ku tiirsan yahay taageerada DPRK, DPRK ayaa iyana dib u heleysa kaalmada Ruushka.”
“Bilihii la soo dhaafay, Ruushku waxa uu tababar la xiriira madaafiicda, UAV, iyo hawlgallada aasaasiga ah ee lugta siinayay ciidamada DPRK."

“Waxaa wax laga naxa ah, in aan qiimeyneyno in Ruushka laga yaabo in uu ku dhow yahay in uu aqbalo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, taasi oo beddeleysa ballanqaadkii Moscow ee tobanaan sano ee ahaa in Gacanka Kuuriya laga sifeeyo nukliyeerka.”

“Waxaan aaminsanahay in Moscow ay noqon doonto mid aad uga caga jiidda ma ahan oo kaliya dhaleeceynta horumarinta Pyongyang ee hubka nukliyeerka, laakiin sidoo kale waxa ay hor-istaagi doontaa meel-marinta cunnaqabateynta ama qaraarada cambaareynaya hab-dhaqanka xasilloonida-darro ee Kuuriyada Waqooyi - sidii aan horeyba u aragnay. “
“Mar kale, Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa Ruushka in uu joojiyo iskaashiga milatari ee uu la leeyahay DPRK.”

XS
SM
MD
LG