Accessibility links

Breaking News

Mustaqbalka dadka Suuriya oo ifaya


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanku waxa uu taageersan yahay hannaan siyaasadeed oo ay hoggaamiyaan ayna leeyihiin reer Suuriya si waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2254, ayay tiri Ambassador Dorothy Shea, oo ah ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

“Nidaamkani waa in uu keenaa dowlad loo dhan yahay oo matalaad leh oo si buuxda u ixtiraamta xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dhammaan dadka Suuriya, oo ay ku jiraan haweenka iyo bulshooyinka kala duwan ee Suuriya.”

“Hannaanka kala-guurka iyo natiijada ka dhalata ee xukuumadda Suuriya waa in ay sidoo kale hubisaa in la ogaado wax kasta oo ka mid ah barnaamijka hubka kiimikada ee haray, la sugo, oo si badbaado leh loo burburiyo iyadoo la raacayo xaqiijinta caalamiga ah,” ayay tiri Danjire Shea.

“Waxaa mahdin leh iskaashiga ilaa maanta, waxaanna ku baaqeynaa in la sii wado ka go’naanta jilayaasha ku lugta leh Suuriya si ay ula shaqeeyaan Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), Qaramada Midoobay, iyo la howlgaleyaasha kale ee gobolka iyo ururrada aan dowliga ahayn si loo jaangooyo hannaan si dhammaystiran lagu xaqiijin karo oo lagu baabi’iyo wax kasta oo ka haray barnaamijka hubka kiimikada.”

Dhammaan jileyaasha Suuriya waa in ay oggolaadaan in hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada kale ee caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah ay galaangal u yeeshaan si ay u sugaan dukumentiyada, ilaalinta xabaalo-wadareedyada iyo xabsiyada, oo ay gacan siiyaan maxaabiista la sii daayay iyo qoysaska dadka aan aan la garaneyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruuxba.

Mareykanku waxa uu dhowaan bixiyay Shatiga Guud ee 24 [General License 24] si uu u ballaariyo oggolaanshaha dhaqdhaqaaqa iyo wax kala iibsiga Suuriya, ayay tiri Ambassador Shea.

“Shatiga Guud waxa uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay nooga go’an tahay in aan hubinno in cunaqabateynta Mareykanku aysan carqaladeyn howlaha lagu daboolayo baahiyaha aasaasiga ah ee aadanaha, oo ay ku jiraan bixinta adeegyada dadweynaha ama gargaarka bini’aadantinimo.

Oggolaanshahan ayaa soconaya muddo lix bilood ah, iyadoo Mareykanku uu sii wadayo la socodka xaaladda gudaha ka soo cusboonaata”

Mareykanka waxaa ka go'an in uu caawiyo dadka Suuriya xilligan aan caadiga aheyn si ay u abuuraan mustaqbal cusub oo ay dadkoodu helaan.

“Suuriya waa in aan loo isticmaalin sidii garoon ay dalalka kale danahooda ku ballaariyaan iyadoo ay dadka Suuriyana ay ku dhibtoodaan,” ayay ku nuuxnuuxsatay Danjire Shea. Dhanka kale, hay’adaha ku meel gaarka ah ee Suuriya waa in ay xaqiijiyaan in waddanku uusan khatar ku noqon deriskiisa, noqon saldhig argagixisanimo, ama uu hoy u noqdo kooxaha sida Daacish.

Waqooyiga bari ee Suuriyana, ilaalinta amniga xarumaha dadka lagu hayo iyo xeryaha barakacayaasha, iyo dib u celinta muwaadiniinta ajnabiga ah, ayaa weli ah mid muhiim ah si looga hortago dib u soo laba kacleynta Daacish iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Mareykanka ayaa rajeynaya in uu gacan ka geysto sidii loo sugi lahaa mustaqbal ifaya oo ay helaan shacabka Suuriya.

XS
SM
MD
LG