Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Xaaladda Yemen waa mid sii xumaaneysa, ayay ka digtay Danjire Dorothy Shea, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.
“Maalmihii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxa ay ballaariyeen ololahooda ay ku xir-xirayaan Yemeniyiinta aan waxba galabsan, iyagoo beegsanaya in badan oo ka mid ah shaqaalihii hore ee safaaradda oo kaliya isku dayaya in ay shaqadooda qabsadaan. Waxa ay sii wadaan in xagaagii ay xirxiraan shaqaalaha Qaramada Midoobay, dublamaasiyiinta iyo NGO-yada iyo sidoo kale shaqaalaha Hogaamiyaha Galaxy oo hadda ah la hayste muddo ka badan sanad – xilli ay howlgallo ciidan ka fulinayeen Sanca.”
Mareykanku waxa uu aaminsan yahay in la gaaray wakhtigii laga jawaabi lahaa khatarta sii kordheysa ee Xuutiyiinta iyadoo Iiraan lagula xisaabtami doono in ay awood u siisay Xuutiyiinta gantaalada riddada dheer ee ay ku weeraraan maraakiibta caalamiga ah iyo Israel, ayay tiri Danjire Shea.
“Taasi waa sababta aan ugu doodnay in dib loo oggolaado hadal qasbaya in warbixinna xilliyeedka Xoghayaha Guud usoo gudbiyo Golahan ay ku jiraan macluumaadka ku saabsan hubka casriga ah ee loo isticmaalo weerarrada aadka casriga u ah ee sii kordhaya. Sidoo kale waa in aan qaadnaa tillaabo Xuutiyiinta looga joojinayo dakhliga ay ku helaan sida sharci-darrada ah kaasi oo joogteeya weeraradooda, waana in aan aqqoonsanno xiriirka sii kordhaya ee Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee argagixisada ah sida al-Shabaab, oo aan adeegsanno tallaabooyin ay cunnaqabateyn ka mid tahay.”
Intaa waxaa dheer, 8-dii Jannaayo, ciidamada qalabka sida ee Mareykanku waxa ay qaadeen weerarro dhowr ah oo bartilmaameedsan oo ka dhan ahaa laba xarumood oo ka mid ah kuwa Xuutiyiinta ee dhulka hoostiisa ku yaalla kuwaasi oo lagu keydiyo hubka casriga ah ee loo adeegsado in lagu weeraro maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee Mareykanka.
“iyadoo aan la eegin waxa uu Ruushku ka yiri falkan iyo kuwii hore, haddana xaqiiqdu waxa ay tahay in weerarradani ay ahaayeen kuwo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana loo fuliyay iyadoo la adeegsanayo xuquuqda dabiiciga ah ee Maraykanku u leeyahay in uu is-difaaco,” ayay tiri Danjire Shea.
Xattaa iyadoo aan la tacaaleyno hanjabaadaha ka imanaya Xuutiyiinta, waa in aynaan lumin xaqiiqada ah in in ka badan kala bar dadka Yemen ay weli u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, ayay tiri Danjire Shea.
“Marka, Mareykanku waxa uu sii wadaa in uu taageero shaqada Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeenna hay’adaha bini’aadantinimo kuwaasi oo gaarsiinaya gargaar caafimaad, nafaqo, biyo, fayadhowr, iyo agabka nadaafadda ee muhiimka u ah Yemen. Waa in aan si wadajir ah wax badan u qabannaa si aan u taageerno jawaabta bini'aadantinimo ee Yemen."
“Weerarrada Xuutiyiinta waa in ay u joogsadaan si Yemen ay uga fogaato xaaladaha ugu xun,” ayay ka digtay Danjire Shea. “Xuutiyiintu waa caqabadda koowaad ee hortaagan taageerada caalamiga ah, waxayna halis gelinayaan suurtagalnimada nabadda ee Yemen.”
Waa in aan dhammaanteen ka wada shaqeynaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda Yemen, ayay tiri Danjire Shea. Balse marka hore waa in la soo afjaraa weerarrada iyo xirxirista ay waddo kooxda Xuutiyiinta.