Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Madaxweyne Donald Trump ayaa saxeexay amar fulin ah oo dhigaya in 90-maalmood hakad la geliyo dhammaan gargaarka shisheeye iyadoo “qeybta gargaarka shisheeye iyo xafiisyada ka shaqeeya aysan la jaanqaadeynin danaha Mareykanka, marar badanna ay liddi ku yihiin qiyamka Mareykanka.”
Dhabtii, Madaxweyne Trump waxa uu tilmaamay, “in ay u adeegaan in ay khalkhal geliyaan nabadda dunida iyagoo riixaya fikradaha dalalka shisheeye ee sida toos ah uga soo horjeeda xiriirka wada noolaanshaha iyo xasillooni ee gudaha dalka iyo dalalka dhexdoodaba.”
Wasaaradaha ka mas’uulka ah iyo madaxda hay’adahaba, iyagoo la tashanaya Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda, waxa ay 90 maalmood gudahood oo ka bilaabata markii uu amarkan soo baxay ay go'aan kaga gaari doonaan in la sii wado, wax laga beddelo, ama la joojiyo barnaamij kasta oo kaalmo shisheeye ah iyadoo lagu saleynayo talooyinka dib u eegista, uuna ku waafaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda.
Waajibaadyada cusub iyo bixinta lacagaha kaalmada horumarinta shisheeye ah ayaa laga yaabaa in ay dib u bilowdaan ka hor dhammaadka muddada 90-ka maalmood ah waa haddii dib u eegista la dhammeystiro, uuna Xoghayaha Arrimaha Dibadda ama wakiilkiisa, oo la tashaday Agaasimaha OMB, ay go’aansadaan in ay sii wadaan barnaamijka. Intaa waxaa dheer, barnaamij kasta oo kale oo cusub oo gargaar shisheeye ah iyo waajibaadyadiisaba waa in ay ansixiyaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda ama cidda uu u xilsaaray, isagoo la tashanaya Agaasimaha OMB.
Iyadoo la raacayo Amarka Fulinta ee Madaxweyne Trump, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio waxa uu hakiyay dhammaan kaalmada dibadda ee Mareykanka oo ay bixiso ama la sii mariyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka si dib u eegis loogu sameeyo.
Madaxweyne Trump ayaa si cad u sheegay in Mareykanku uusan hadda ka dib si indho la’aan ah u bixin doonin lacagaha aan dadka Mareykanka usoo celineyn wax faa’iido ah. “Dib u eegista iyo dib-u-habaynta kaalmada shisheeye innagoo ka wakiil ah cashuur-bixiyeyaasha hawl-karka ah ma ahan oo kaliya waxa saxda ah ee la sameeyo, waa arrin anshaxeed,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda.
Sida uu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio “Doollar kasta oo aan kharash gareeyno, barnaamij kasta oo aan maalgalinno, iyo siyaasad kasta oo aan wadno waa in lagu caddeeyaa jawaabta saddex su’aalood oo fudud: Miyay Mareykanka ka dhigaysaa mid nabdoon? Miyay Mareykanka ka dhigaysaa mid xoog badan? Miyay Mareykanka ka dhigaysaa mid barwaaqo ah?"
“Waa siyaasadda Mareykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Trump, “in kaalmo shisheeye oo Mareykan ah oo dheeraad ah aan loo bixin si aan si buuxda ula jaanqaadeynin siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Mareykanka.”