Accessibility links

Breaking News

Danaha dalalka Isbaheysiga Quad


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Maalintiisii ugu horreysay ee xafiiska, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio waxa uu la kulmay wasiirradda arrimaha dibadda ee saddexda dal ee kale ee gobolka Indo-Pacific ee ku jira isbahaysiga Quad ee Australia, India iyo Japan.

“Afarteenna waddan waxa ay ilaalinayaan ka go’naanteenna in sharciga caalamiga ah, fursadaha dhaqaale, nabadda, xasilloonida iyo amniga dhammaan dhinacyada ... ay xoojiyaan horumarka iyo barwaaqada dadka gobolka Indo-Pacific.”
Isbahaysiga Mareykanka iyo Japan waa tiirka amniga iyo barwaaqada ee gobolka.

Hindiya iyo Mareykanka waxa ay xoojinayaan iskaashigooda ku saabsan tignoolajiyadda muhiimka ah iyo kuwa soo if-baxaya, iskaashiga difaaca, iyo tamarta.

Is-xulufeysiga soo jireenka ah Mareykanka iyo Australia ayaa saldhig u ah amniga iyo barwaaqada caalamiga ah. Waa kan Xoxhayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio.
“Wax kasta oo naga dhigaya dal sii xoogeysta, nabad ah oo sii barwaaqooba, taasi waa hadafkeenna.”

“Waxaan filayaa in qaran kasta oo dunida ah uu horumariyo danahooda qaran.”

“Xaaladahaas-na, oo aan filayo in ay jiraan kuwo badan – oo dantayada qaranka iyo toodaba ay isla jaan-qaadaan, waxaanu rajaynaynaa in aan la shaqayno.”

“Waxa uu tilmaamay madaxweyne Trump ... in hadafkiisa ugu weyn ee siyaasadda caalamiga ah ay tahay horumarinta nabadda ... sababtoo ah taasi waxa ay ku jirtaa danta qarankeenna.”

Kulamada u dhexeeya Mareykanka iyo xulufadiisa Quad waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay yoolkan ay wadaagaan.
Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG