Accessibility links

Breaking News

Ballaarinta xarunta muhaajiriinta ee Guantánamo Bay


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Iyadoo qeyb ka ah dadaalka uu ugu jiro dib u soo celinta madax banaanida qaran ee xuduudaha Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump waxa uu saxiixay amar fulineed tilmaamaya ballaarinta awoodda buuxda ee Xarunta Hawlgallada Muhaajiriinta ee Saldhigga Badda ee Guantánamo Bay (Migrant Operations Center at Naval Station Guantánamo Bay). Ballaarinta, ayuu qoray, “waxa ay noqoneysaa meel lagu hayo ajaaniibta mudnaanta sare leh ee dambiilayaasha ah kuwaasi oo si sharci-darra ah ku jooga Mareykanka.”

Shir jaraa’id oo uu qabtay, Madaxweyne Trump waxa uu yiri, “Waxaa haysannaa 30,000 oo sariirood oo yaalla Guantánamo kuwaasi oo aan ku xireyno dambiilayaasha ugu xun ee sharci-darrada ah ee khatarta ku haya dadka Mareykanka ah. Qaar ka mid ah aad bay u xun yihiin oo xittaa kuma kalsoonin in aan u dirno dalalka ay ka soo jeedaan, sababtoo ah ma rabno in ay soo noqdaan, markaa waxaan u diri doonmaa Guantánamo.”

Xarunta haynta soogalootiga ee Guantanamo Bay waxa ay u shaqeysaa si ka duwan xarunta xabsiga ciidamada ee ay ku jiraan argagixisada. Tan iyo 1990-meeyadii xarunta soogalootiga waxaa loo adeegsan jiray in lagu hayo dadka ka soo jeeda Haiti iyo Cuba ee laga soo qabto badda. Xarunta ayaa sidoo kale loo adeesadaa in ay noqoto xarun bixisa gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka iyo gargaarka musiibooyinka.”

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in amarka fulinta ee ku saabsan Guantánamo uu ku dhisan yahay tallaabooyin hore oo madaxweyne Trump uu ku sugayey xuduudka Mareykanka iyo in gudaha dalka laga masaafuriyo dadka dambiilayaasha ah ee aan sharciga heysan.

“Waxaan ognahay in ay caqabad naga haysato xarumaha dadka lagu hayo ee gudaha dalka. ... Madaxweynuhu waxa uu dareemaya in [Saldhigga Ciidanka Badda ee Guantanamo Bay] uu yahay meel ku habboon. Canshuur bixiyayaasha ayaa horeba u maalgeliyay. Boos ayaa meesha ka bannaan. Waa maxay sababta aan loo isticmaalin? Xoghayaha Gaashaandhigga ayaa arrintaasi ka shaqaynaya xilligan aan idinla hadlayo.”

Wareysi uu telefishan siiyay, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa ugu yeeray Guantanamo “meel aad ugu habboon” ujeedada loogu talagalay. Waxa uu yiri, “Tani waa hakasho ku meel gaar ah, kaasi oo horeyba u ahaa howlgalka Saldhigga Ciidanka Badda ee Guantánamo Bay, halkaasi oo aan kumanaan - iyo tobanaan kun oo qof, haddii loo baahdo – aan si bini'aadannimo ku jirto uga saari karno dalkeenna oo aysan waxba ku laheyn, dibna ugu sii celin karno dalalkii ay ka yimaadeen iyadoo loo marayo habraacyada ku habboon.”

Xoghayaha Difaaca Hegseth ayaa ku dhawaaqay, “Waxaan niri, ‘intaasi nagu filan.’ Waxa ay aadayaan dalalkoodii. “Marka Guantánamo Bay waa halka ku habboon ee ay ku sii sugi karaan in si kumeel gaar ah loo dejiyo kuwooda ugu xun illaa dib looga celinayo dalalkoodii, oo uu Madaxweyne Trump si cad ugu sheegay in ay tahay in ay u diyaar garoobaan in ay si adag oo degdeg ah u qaataan.”

XS
SM
MD
LG