Accessibility links

Breaking News

Dagaalka Sudan: Ma jiraan dhinac fiican


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Lixdii bilood ee la soo dhaafay, Suudaan waxa ay noqotay madasha “burburka iyo dambiyo aan laga hadli karin” taas oo sii kordhinaysa silica dadka Suudaan, ayuu yiri Dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Karim Khan. Gobolka Daarfuur ayuu sheegay in dambiyo caalami ah si baahsan looga gaystay, maalin walbana ay ka dhacaan gabood fallo loo adeegsado sida hub dagaal oo kale.

Nasiib darro, lama hayo geesiyaal u istaagay badbaadada shacabka Suudaan.

“Tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen colaadaha bishii April ee 2023-kii, dagaalyahannada ayaa qaaday falal arxan-darro iyo rabshado naxdin leh oo ka dhan ah shacabka aan difaaca haysan ee Suudaan,” ayay tiri Arrima ilaaliyaha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea.

“Colaadda arxan-darada ah waxa ay sababtay musiibadii bini’aadantinimo ee ugu weynayd adduunka, taasi oo keentay in 638,000 oo qof oo Suudaaniyiin ah ay soo wajahdo macluushii ugu xumayd ee Suudaan soo marta dhowaanahan, iyadoo in ka badan 30 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo ayna tobannaan kun dhinteen.”

“Mareykanku midna ma taageerayo labada dhinac ee dagaalkan. Labada dhinac ee dagaallamaya waxa ay mas’uul ka yihiin rabshadaha iyo dhibaatada ka taagan Suudaan,” ayay tiri Danjire Shea.

“Ciidamada Gurmadka Degdegga ah iyo maleeshiyaadka ay xulufada yihiin waxa ay si bareer ah u dileen ragga iyo wiilasha - xitaa dhallaanka – dilalkaasi oo ku saleysan qowmiyad, waxayna haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood si ula kac ah ula beegsadeen kufsi iyo noocyo kale oo xadgudub galmo ah,” ayay tiri Danjire Shea.

“Isla maleeshiyaadkaasi ayaa beegsaday dadka rayidka ah ee qaxaya, iyagoo dilaya dad aan waxba galabsan oo ka baxsanaya colaadda, kana hortagaya in dadka rayidka ah ee aan qixin ay helaan sahay naf badbaadin ah.”

“Dagaallamayaasha kale oo ah Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan waxa ay sidoo kale dambiyo dagaal ka galeen Suudaan. SAF waxa ay ku kacday weerarro halis ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan duqeymaha baahsan ee kaabayaasha rayidka sida iskuullada, suuqyada, isbitaallada, waxayna geysteen jirdil iyo dil aan waddo sharci ah loo marin.”

“Kuwa mas’uulka ka ah dambiyadan foosha xun waa in lala xisaabtamo,” haddana “kuwo badan oo mas’uul ka ahaa gabood-fallo 20 sano ka hor ka dhacay Suudaan ayaan weli loo qaban,” ayay tiri Danjire Shea.

“Waxa aan ka codsaneynaa beesha caalamka in ay ka shaqeyso sidii shakhsiyaadkaasi maxkamad loo soo taagi lahaa si hab cad loogu soo oogo dambiyada lagu eedeeyay. Guul-darrada in la helo isla-xisaabtanka wixii dhacay tobanaan sano ka hor ayaa ah sababta ay colaaduhu sii huraan.”

“Mareykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu hoggaamiyo dadaallada lagu soo afjarayo colaadda,” ayay tiri Danjire Shea.

“Falalka foosha xun ee ay geysanayaan SAF iyo RSF waa in la soo afjaraa. Dhinacyada dagaallamaya waa in ay oggolaadaan in [gargaarka] bini’aadantinimo uu gaaro dadka rayidka ah ee Suudaan. Waqti hore ayaa la dhaafay xilligii ay ahayd in lagu joojiyo dilka, lana xoojiyo dadka Suudaan si ay u helaan mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.”

XS
SM
MD
LG