Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka:
Muwaadin kale oo Mareykan ah, oo si xaq-darro ah ugu xirnaa xabsi shisheeye, ayaa la sii daayay – ugu yaraan waa qofkii 11-aad ee Ameerikaan ah ee dib u helay xorriyaddiisa/deeda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Donald Trump bishii Jannaayo.
Muwaadinkan Mareykanka u dhashay, oo doortay in aan magaciisa la sheegin, iyo laba kale oo maxaabiis ah ayaa ku xirnaa Belarus. Siideyntooda ayaa timid ka dib markii 12-kii Febraayo xabsiga laga sii daayay macalin Mareykan ah oo lagu magacaabo Marc Fogel oo ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Ruushka. Fogel ayaa lagu bedeshay dambiile Ruush ah oo ah nin aan sameynin rabsho kaasi oo Mareykanka loogu xukumay in uu maleegayay lacag dhaqis awgeed (money laundering).
Sida uu sheegay Ergeyga Mareykanka u qaabilsan la haystayaasha Adam Boehler, mid ka mid ah saddexda maxbuus ee laga sii daayay Belarus waxa uu ahaa saxafi ka shaqeeya Idaacadda Free Europe/Radio Liberty, Andrey Kuznechyk, kaasi oo in ka badan saddex sano ku xirnaa Belarus isagoo lagu soo oogay eedo been abuur ah.
Belarus oo saaxiib dhow la ah Ruushka ayaa waxaa ka taliya mid ka mid ah dowladaha ugu cadaadiska badan caalamka, waxaana ku xiran in ka badan 1200 oo maxaabiis siyaasadeed ah.
Danjire Boehler ayaa sheegay in maxaabiista laga sii daayay Belarus ay ahayd “mid hal dhinac ah”, taasi oo la macno ah in sii deyntooda aan qofna lagu beddelan. Waxa uu guusha sii deyntooda u nisbeeyay Madaxweyne Trump: “Waxa uu mudnaanta koowaad ka dhigay soo celinta dadka Mareykanka ah, dadkuna taas ayay ka jawaabayaan. Markaa, waxaan u maleynayaa marka aad aragto Madaxweynaha Belarus oo sidaas sameynaya… hubaashii waa qof isku dayaya in uu beddelo dhawaqa maamulka, isagoo og in Madaxweynaha Mareykanka uu daneynayo soo celinta muwaadiniinta.”
Danjire Boehler ayaa yiri, “Dowladaha garaadka leh ayaa si iskood ah tallaabo u qaadaya, xitaa ma weydiinno, ama waxaan dhahnaa tani waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh, wayna ka jawaabaan. … Waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto si aad u soo jiidato madaxweynaha Mareykanka waa soo celinta Ameerikaanka ee dalkooda. Taas wuu caddeeyey.”
Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa ku tilmaantay siideynta guusha leh ee maxaabiista ku xirnaa Belarus “guul cajiib ah” waxayna guusha siisay “awoodda heshiis keenista” ee Madaxweyne Trump.
Iyada oo gacan laga helayo dowladda Lithuania, Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Chris Smith ayaa la kulmay maxaabiista ku sugan Belarus waxaana uu keenay Lithuania. Waxa uu ugu yeeray sii deyntooda “guul weyn - iyo jawaab laga bixiyay ajandaha nabadda loo marayo awoodda ee Madaxweyne Trump.”
Hadal uu soo saaray, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio waxa uu uga mahad-celiyey Lithuania kaalmadeeda, waxaana uu ku dhawaaqay, “Waxaan ku adkaysaneynaa sii deynta muwaadiniinta kale ee Mareykanka ah ee ku xiran Belarus iyo meelo kale.” Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan ku baaqeynaa in la sii daayo ku dhawaad 1300 oo maxaabiis siyaasadeed ah oo weli ku jira xabsiyada Belarus oo dhan.”