Accessibility links

Breaking News

M23 waa in ay deg deg u joojisaa weerarada ay ka waddo DRC


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Tan iyo horraantii bishii Jannaayo ee sanadkan, jabhadda M23, ee ay taageerto Rwanda, ayaa sii xoojisay weerarada ay ka geysanayso bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Saraakiisha DRC ayaa ku doodaya in Rwanda ay M23 u adeegsanayso in ay bililiqeysato macdanta Congo.

Dorothy Shea waa Ku-xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, waxayna tiri.

“Muddo bilo ah, waxaan si joogto ah u daawanaynay M23 iyo Rwanda oo iska indha tiraya xabad joojinta, marmarsiiyo been abuur ah dhul ku qabsanaya, beeninayana ujeedkooda dhul ballaarsiga ah, kaliya si ay u bilaabaan wareeg cusub.”

“Waxaan aragnay in M23 ay fowdo abuurtay oo ay rabshado arxan-darro ah kula kaceyso dadka rayidka ah ee waddooyinka magaalooyinka Masisi, Goma, iyo hadda Bukavu – iyagoo ku ganbanaya in ay ‘xoreeynayaan’ ama ‘soo celinayaan nidaamka,’” ayay tiri Danjire Shea.

“Waxaan ku boorrinaynaa M23 in ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay waddo oo ay ka baxdo dhammaan dhulka ay la wareegtay,” ayay tiri Danjire Shea.

“Waxaan ku boorrinaynaa Rwanda in ay joojiso taageerada ay siiso M23, islamarkaana ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo DRC, lana xisaabtanto kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.”

“Waxaan hadda xaqiijinay warbixinno ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee ku saabsan dil bareer ah oo ay M23 u gaysatay caruur ku sugneyd Bukavu, iyo xadgudubyo kale oo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha,” ayay tiri.

“Waxaan ku boorrineynaa in si deg deg ah loo joojiyo macdanta laga iibsanayo meelaha ay maamusho M23.”

“Waxaan sii wadeynaa in aan si buuxda taageero u siino dadka Kongo iyo madax-bannaanida dalkooda iyo wadajirka dhulkooda,ayay hadalkeeda sii raacisay Danjire Shea.

XS
SM
MD
LG