Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Kulankii magaalada Riyaad ku dhex maray wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee fool ka fool ah oo dhexmara Mareykanka iyo Ruushka muddo sanado ah.
Xoghaye Rubio ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen afar qodob oo kala ah: kan koowaad, in dib loo soo celiyo howlihii caadiga ahaa ee shaqqooyinka diblomaasiyadeed.
“Qodobka labaad waa in aan magacaabi doonno koox heer sare oo dhinaceenna ah si ay gacan uga geystaan wadaxaajoodka iyo ka shaqaynta dhammaadka dagaalka Ukraine si loo helo xal waara oo ay aqbala dhammaan dhinacyada ku hawlan. Qodobka saddexaad waa in la bilaabo in si heer sare ah looga shaqeeyo sidoo kale, in la bilaabo in laga wada hadlo oo laga fikiro oo la eego iskaashiga juqraafiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhalan kara soo afjaridda colaadda Ukraine. ... Waxa ugu dambeeya ee aan ku heshiinnay ayaa ah in inta kooxaheennu ay ka shaqaynayaan arrimahan oo dhan, in shantii qof ee aan maanta ku joognay aan hawshan sii wadno si aan u hubinno in uu u socdo si waxtar leh.”
Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Waltz ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhammeynta dagaalka Ukraine loo baahan yahay in uu noqdo mid joogto ah, oo uusan noqon mid ku meel gaar ah:
“Waxaa jiri doona dodo ku saabsan dhul, waxaana laga wada hadli doonaa dammaanad qaadka amniga. Kuwani waa bud-dhigga aasaasiga ah ee hoosta ka xarriiqaya nooc kasta oo dood ah. Laakiin waxaan filayaa in qaybta ugu muhiimsan ay tahay in Madaxweynaha [Trump] uu sheegay rabitaankiisa, go’aankiisa ah in uu joojiyo dagaalka, in la soo afjaro dilka socda, dhimashada iyo burburka dhacaya inta uu dagaalkani socdo oo socdo, bilooyin.”
Haddii dagaalka Ukraine uu ku dhamaado qaab ay aqbali karaan dhammaan dhinacyada, Mareykanka iyo Ruushka waxa ay bilaabi doonaan in ay isla fahmaan waxyaabaha ay si guud u wadaagaan danahooda iyo fursadahooda, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Rubio:
“Arimaha la rajeynayo in ay u fiicnaan doonaan adduunka oo ay sidoo kale hagaajin doonaan xiriirkeena mustaqbalka fog. ... Furaha albaabka u furaya fursadahaasi, si kastaba ha ahaatee, ayaa ah dhammaadka dagaalka.”
“Howshu waa mid sii soconeysa,” ayuu yiri Xoghaye Rubio. “Maanta waa tallaabadii ugu horreysay ee safar dheer oo adag. Laakiin waa mid muhiim ah.”