Accessibility links

Breaking News

Dhacdooyin laga naxo oo ka jira Darfur


Sudan
Sudan

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan, xaalad horeyba masiibo ahayd ayaa ka sii dartay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Tani waxa ay si gaar ah uga muuqataa Zamzam, oo ah mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ugu weyn Suudaan ee loogu talagalay dadka gudaha ku barakacay.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, “rabshadaha gudaha iyo hareeraha xerada barakacayaasha Zamzam - oo martigelisa boqolaal kun oo qof oo rayid ah - ayaa sii xoogeysatay.” Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay warbixino ku saabsan dil aan sharci loo marin oo laga geystay aagagga oo ay gacan ku heyntooda is-badbadashay, wuxuuna ka digay in gobolka Niil-ka cad, “mowjado weeraro ah oo dhacay horraantii bishan [waxaa la sheegay] in ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.”

Sidoo kale, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo Médecins Sans Frontières, oo ah hay’adda ugu weyn ee bixisa adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta ee Zamzam, ayaa ku dhawaaqay in rabshadihii dhacay awgeed ay u joojiyeen howlihii ay ka hayeen Zamzam.

“Mareykanka ayaa sii wada in uu ugu baaqo dhinacyada isku haya Sudan in ay joojiyaan colaadda, ay u oggolaadaan in ay helaan gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladeyn, ayna ilaaliyaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri dublumaasiga sare ee Mareykanka u jooga Qaramada Midoobe John Kelley.

“Colaaddan wuxuushnimada ah waxa ay sababtay masiibadii bini’aadantinimo ee ugu weynayd caalamka, taasi oo keentay in in ka badan 630,000 oo reer Suudaan ah ay soo wajahdo macaluul tii ugu darneyd ee soo marta taariikhda Suudaan. In ka badan 30 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo, 12.5 milyan oo qof ayaa ku barakacay, tobanaan kun oo qof ayaa ku dhintay.”

“Sababtaasi awgeed, dhinacyada dagaallamaya waa in ay fududeeyaan qulqulka gargaarka ee dhammaan xuduudaha iyo marinnada la isaga gudbo ee dhammaan qaybaha Suudaan."

Iyadoo taasi ay jirto, “Mareykanku waxa uu sii wadaa in uu ugu baaqo dhinacyada isku haya Suudaan in ay joojiyaan colaadda, u oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn uu dadka gaaro, lana ilaaliyo rayidka,” ayuu yiri Danjire Kelley. “Waxaan u caddeynay labada dhinacba danteenu waa soo celinta nabadda iyo joojinta colaadda.”

“Labada dhinac ee dagaallamaya waxa ay geysteen xad-gudubyo, waxaana waajib ah in lala xisaabtamo kuwii geystay. Dhammaan dhinacyada dagaallamaya waa inay ilaaliyaan dadka rayidka ah oo ay oggolaadaan in si aan carqalad laheyn uu gargaarka bani'aadamnimo loo helo.”

“Waxaan aad uga walaacsannahay weerarrada joogtada ah ee RSF ay ku heyso xerada barakacayaasha Zamzam ee Waqooyiga Darfur, iyo warbixinnada sheegaya in malleeshiyada xulafada la ah SAF ay dadka rayidka ah u adeegsanayaan gaashaan. Waxaan ku boorrinay RSF-ta in ay joojiso weerarrada ay ku hayso dadka rayidka ah ee ku barakacay Zamzam, waxaana ku boorrinay SAF inay xaqiijiso rayidka iyo shaqaalaha bani'aadamnimada inay si xor ah ugu guuraan ama uga baxaan Zamzam.”

“Dagaalka ka socda Suudaan waa masiibo iyo sababta dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka. Sii xoojintiisa ayaa khatar ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Danjire Kelley. “Mareykanka ayaa diiradda saarayaa xallinta dhibaatadan.”

XS
SM
MD
LG