Accessibility links

Breaking News

Al-Shabaab oo weli sii wadda colaadda Soomaaliya


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Jawaab caalami ah ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo kooxda argagixisada ah ee Xuutiyiinta ee fadhigeedu yahay Yemen, ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Mareykanka ee QM, John Kelley:

“Marinnada wax lagu tahriibiyo ee Badda Cas ee isku-xira kooxaha argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya iyo Yemen waxa ay qiimo weyn u tahay iskaashiga caalamiga ah.”

“Waxaan si gaar ah uga walaacsannahay xiriirka sii kordhaya ee Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta. Waxaan dhiirrigelineynaa wadahadal dhexmara guddiyada cunnaqabateynta ee Yemen iyo Al-Shabaab, iyo dalalka Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, si loo iftiimiyo, ugu dambeyntiina loo jaro xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Mareykanka ay taageertay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee quseeyay cusbooneysiinta cunnaqabateynta saaran Al-Shabaab. Qaraarka ayaa dib u cusboonaysiin doona qaar ka mid ah cunnaqabateynada hubka, xayiraadaha safarka, iyo xayiraadaha hantida ee kooxda argagixisada ah.

Waxa uu sidoo kale muddada u kordhin doonaa Guddiga Khubarada ah ee qaabilsan Soomaaliya si ay warbixin ku saabsan dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ugu soo gudbiyaan Golaha Ammaanka iyo guddiga cunaqabateynta Al-Shabaab ee Q.M.

“Tallaabooyinka qaraarkan waxa ay xakameynayaan Al-Shabaab, iyo kooxaha kale ee aan dowliga ahayn, helitaanka lacagaha iyo hubka loo baahan yahay si loo fuliyo weerarrada iyo in wax laga qabto kooxaha hurinaya colaadda Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale xaqiijin doonaan amniga Soomaaliya, hay’adaha booliskaana waxa ay heli karaan agabka ay u baahan yihiin si loola dagaallamo argagixisada, loona sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.”

Danjire Kelley ayaa sidoo kale ku baaqay in liiska lagu daro saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab. Kooxdan fadhigeedu yahay Soomaaliya ayuu Mareykanku u asteeyey Urur Argagixiso Shisheeye, iyo si gaar ah Argagixiso caalami ah oo loo asteeyey sanadkii 2008-dii.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ku saabsan Argagixisada, al-Shabaab waxa ay si joogto ah guud ahaan Soomaaliya uga fuliyeen “weerarrada miinooyinka, qaraxyo ismiidaamin ah, weerarro baaxad leh, dilal qorsheysan, weerarro gaadmo ah oo lagu qaaday marinnada saadka, iyo dagaallo aan toos aheyn.” Dhimashada dadka rayidka ah ee la xiriirta hubka qarxa ayaa si aad ah u korodhay marka loo eego sanadkii hore.

Al-Shabaab waxa ay saameynta ay ku leedahay Soomaaliya u isticmaashaa si ay “malaayiin doollar oo dakhli ah uga qaadato dadka deegaanka iyo ganacsatada,” sida lagu sheegay Warbixinta Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Waxa kale oo loo baahan yahay in wada-hadallo goboleed lagu wajaho burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka, iyo falalka sharci-darrada ah ee hurinaya argagixisada,” ayuu yiri Danjire Kelley.

“Liis ku darista ayaa muujinaysa in beesha caalamku ay horumarin doonto isla-xisaabtanka ayna soo afjari doonto isla-xisaabtan la’aanta kuwa wax u dhimaya nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo gobolka.”

Mareykanka ayaa sii wadi doona in uu wax ka qabto dhammaan khataraha kaga imaanaya Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee ku firirsan caalamka kuwaasi oo khatar ku ah danaha Mareykanka.

XS
SM
MD
LG