Accessibility links

Breaking News

Abaal-marin la xiriirta ganacsade daroogo oo Canadian ah


Ecuador Drugs
Ecuador Drugs

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka:

Xafiiska Arrimaha Daroogada iyo Fulinta Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $10 milyan, taasi oo lagu bixinayo macluumaadka sababi kara in dal kasta lagu xiro iyo/ama lagu xukumo Ryan James Wedding, oo ah nin Canada u dhashay oo ka ganacsada daroogada. Abaalmarintan ayaa lagu bixinayaa iskaashi lala sameeyay dowladaha Canada iyo Mexico si caddaaladda loo horkeeno Wedding.

FBI-da ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Wedding lagu daray liiska 10-ka qof ee loogu doonista badan ee la raadinayo. Wedding waa nin horey uga tirsanaa ciyaartoyda barafka ku ciyaara ee Olimbikada, isagoo Canada ku matalayay ciyaaraha fudud ee barafka ee ciyaarihii Olimbikada ee 2002-dii lagu qabtay magaalada Salt Lake City ee gobolka Utah. Kadib markii uu ka fariistay xirfaddiisa ciyaaraha barafka, Wedding waxa uu u wareegay nolol dambiyeed isagoo noqday ganacsade daroogada ka ganacsada oo caalami ah. Markii ugu danbeysay waxa uu ku noolaa dalka Mexico.

Wedding iyo muwaadin kale oo isna u dhashay Canada oo Mexico ku nool ayaa dacwad horey loogu soo oogay taasoo ah in ay maamulaan shirkad si joogta ah ugu lug leh danbiyada, dil, iyo in ay ka shaqeynayeen in ay haystaan, qeybiyaan, islamarkaana dhoofiyaan cocaine-ka.

Nin ay wada shaqeynayeen ayaa la xiray 8-dii October ee 2024-kii, iyadoo loo soo wareejiyay Mareykanka 27-kii Febraayo sanadkan 2025-ka.

Dacwaddii ugu horreysay ee la soo saaray 16-kii October ee 2024-kii, ayaa lagu magacaabay 14 eedaysane oo dheeraad ah. Dacwadda ayaa ku eedeysay in intii u dhaxeysay Jannaayo 2024-kii iyo August, 2024-ka ay Wedding iyo rag kale ku heshiyeen in ay dhoofiyaan caddadyo waaweyn oo daroogada Cocaine-ka ah – kuwaasi oo miisaankoodu gaarayo boqollaal kiilogaraam – oo laga keenayo Koonfurta California una socda Canada iyadoo loo marayo shabakad daroogo oo ka jirta Canada oo ay maamulaan kooxo ay wada shaqeystaan oo ku sugan Ontario, Canada.

Shixnadaha daroogada Cocaine-ka ee laga soo qaaday Mexico una socday aagga Los Angeles, halkaasi oo hawl-wadeennada ururka ganacsiga daroogada ay cocaine-ka ku keydsan jireen guryo ku yaalla ka hor inta aysan u dirin wakiillada shabakadda gaadiidka ee loogu talagalay in ay u qaadaan Canada iyagoo adeegsanaya baabuurta xamuulka qaada ee waaweyn.

Ururka Wedding ayaa si uu yoolashiisa u gaaro waxa uu adeegsaday rabshado iyo dil. Tan waxaa ka mid ah dilkii November sanadkii 2023-kii loo geystay labo xubnood oo ka tirsan qoys ku nool Ontario, Canada, oo looga aargudanayay xattooyo lagula kacay shixnad daroogo ah oo soo martay Koonfurta California, iyo sidoo kale dilkii May 2024-kii ee qof kale oo ku nool Niagara Falls gobolka Ontario, oo loo dilay deymo ku saabsan daroogada. 16-kan qof ee la eedeeyay, kaliya Wedding iyo mid kale oo ka mid ah iskaashatadiisa ayaan wali ku jirin gacanta sharciga.

Mareykanku waxa uu sii wadaa ka go’naanshihiisa in uu raadiyo, caddaaladdana horkeeno ganacsatada daroogada ee dalka soo geliya daroogadooda halista ah ee sharci darrada ah.

XS
SM
MD
LG