Accessibility links

Breaking News

Abaal marin weyn oo la dul-dhigay maalgeliyayaasha Xamaas


RFJ Poster for Hamas Financial Network
RFJ Poster for Hamas Financial Network

Oktoobar 7, 2023, Xamaas waxa ay soo qaadday weerar dhiig badan ku daatay oo ay u adeegsatay qaab argagixiso oo naxdin leh oo lagu qaaday dadka rayidka ah Israa'iil.

Wuxuu ahaa fal foolxun oo fulaynimo ah oo caalamka oo dhami cambaareeyay. Xamaas waxay leedahay taariikh rabshado ah oo soo taxnaa soddon sano. Dowlado dhowr ah ayaa u aqoonsaday urur argagixiso oo uu ku jiro Mareykanka.

Si loo curyaamiyo awoodda Xamaas ee hawl-galka, Maraykanku waxa uu diiradda saarayaa socodka dhaqaale ee kooxda. Bishii Janaayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin dhan 10 milyan oo doolarka Mareykanka ah ciddii keenta xog ku saabsan fududeeyayaasha dhaqaalaha ee Xamaas Abdel Basset Hamza al-Hassan Khair, Amer Kamaal Sharif al-Shawa, Ahmed Sado Jahlab, Walid Muhammad Mustafa Jadallah, iyo Muhammad Ahmed Abdel- Dayem Nasrallah.. .

Khair, oo sidoo kale loo yaqaan "Xamza," waa maalgeliyaha Xamaas fadhigiisuna yahay Suudaan kaas oo maamulay shirkado dhowr ah oo ku jira faylalka maalgashiga ee Xamaas oo ku lug lahaa xawaalad maaliyadeed oo muhiim ah Xamaas.

Alshawa, Jahleb, iyo Jadallah waa qayb ka mid ah shabakada maalgashiga Xamaas ee Turkiga.

Alshawa waa madaxa fulinta ee Trend GYO, wuxuuna xubin guddiga ka ahaa dhowr shirkadood oo maal-gashi oo Xamaas ah.

Jahleb waa xoghayaha maaliyadda ee Xamaas. Waxa uu isku dubaridaa hawlo kala duwan oo loogu talagalay shirkadaha iyo saraakiisha Xamaas ay maamusho, halka Jadallah uu ka shaqeeyo guddiyada dhawr shirkadood oo maalgashi.

Nasrallah ayaa ku lug lahaa wareejinta tobanaan milyan oo dollar oo Xamaas ah.

Dabayaaqadii sannadkii hore, dhammaan shanta nin waxa Maraykanku uu ku magacaabay Argagixiso caalami ah oo Gaar ah Waaxda Maaliyadda ee hoos timaada Amarka Fulinta 13224, sida wax laga beddelay.

Haddii adiga ama qof kale oo aad taqaano uu hayo macluumaad ku saabsan Khair, Alshawa, Jahleb, Jadallah, ama Nasrallah, ama hawlahooda dhaqaale, fadlan kala xidhiidh Abaalmarinta Caddaaladda adoo isticmaalaya Signal, Telegram, ama WhatsApp: +1-202-702-7843 adduunka oo dhan. Dhammaan macluumaadka waxaa lagu hayn doonaa si adag. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan abaal-marintan waxa laga heli karaa shabakadda Abaalmarinta Caddaaladda, oo ku taal: www.rewardsforjustice.net.

Dhammaan warbixinnada lagu kalsoonaan karo waa la baadhi doonaa, waxaana aqoonsiga dhammaan xog-bixiyeyaasha lagu hayn doonaa sir.

Tani waxay aheyd faallo ka tujumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG