Accessibility links

Breaking News

Ajendaha Cusub ee Nabadda waa inay Haweenku qeyb ka noqdaan


Israel-Palestinians-UN-Resolutions
Israel-Palestinians-UN-Resolutions

Xagaagii hore, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa soo bandhigay Ajendaha cusub ee Nabadda, siyaasad kooban oo qeexaysa aragtidiisa mustaqbalka ee dhinacyada badan leh iyo shaqada Qaramada Midoobay ee nabadda iyo amniga ee adduunka isbeddelaya. Siyaasaddan kooban “waxay diiradda saaraysaa sida ka qaybgalka haweenku ula xidhiidho dadaallada lagaga hortagayo isku dhacyada,” ayay tidhi Rosemary DiCarlo, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadaynta. "Si fudud haddii loo dhigo, haddii aanay kala badh dadweynaha ka qayb qaadan oo ay go'aan ka gaaraan, ma jiri karto nabad waarta."

Bartamihii bishii Maarso, madax ka kala socotay caalamka ayaa kulmay intii lagu guda jiray kalfadhiga lixda iyo lixdaaad ee guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda haweenka. Ergeyga Joogtada ah ee Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay inay ka wada hadleen "sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo sinnaanta jinsiga iyo ilaalinta iyo horumarinta xorriyadaha aasaasiga ah iyo xuquuqda dhammaan." "Dhammaan shaqadan muhiimka ah waxay ku xiran tahay hal shay: nabadda," ayay tiri.

"Wax walba oo aan sameyno si aan u awoodno haweenka, wax kasta oo ay haweenku sameeyaan si ay naftooda u xoojiyaan, waxaa baabi'iyay khilaaf. Sababtoo ah waxaan ognahay in haweenka iyo gabdhaha ay si aan kala sooc lahayn u saameeyaan iskahorimaadyada, barakaca, cunno yarida, xadgudubyada galmada, dhammaan argagaxa dagaalka," ayay tiri.

"Dhammaan waxa aan ognahay saamaynta isku dhacu ku leeyahay haweenka iyo gabdhaha, waxaa jira wax badan oo aan weligood dillaacin," ayuu yiri danjire Thomas-Greenfield.

"Sababtoo ah warbixin la'aan, sababtoo ah dhaleeceynta, sababo gaar ah oo sharci ah iyo walaacyo badbaado, way adagtahay in laga hortago lana socdo khataraha gaarka ah ee ay la kulmaan haweenka iyo gabdhaha goobaha rabshadaha, si loogu taageero badbaadayaasha hab-dhibane udub dhexaad u ah, dhaawacyada xasaasiga ah, iyo in si wax ku ool ah loo raadiyo nabad-dhisidda iyo caddaaladda colaadaha ka dib.”

"Waa in aan mudnaanta siinaa arrimaha jinsiga ee golahan, waana in aan udub dhexaad u ah haweenka, nabadda, iyo amniga shaqadeena," ayay tiri.

"Waxaan ognahay in marka haweenku miiska joogaan, oo ay awoodaan inay ka qaybgalaan, si buuxda, sinnaan, iyo macno leh, dadaallada nabad-raadinta waa kuwo guulo badan, nabadduna waa mid sii waarta. Isla sidaas oo kale ayaa la mid ah hoggaamiyeyaasha da'da yar. Tirada dhalinyarada maanta waa tiradii ugu badnayd ee la diiwaan geliyo. Ka qayb galka hababka nabada waxay yaraynaysaa khatarta ah in quruumaha dib loogu celiyo colaadaha."

"Shaqadani waxay u baahan tahay qof walba oo naga mid ah. Waxay u baahan tahay waxqabad wadareed,” ayuu yiri danjire Thomas-Greenfield.

"Mareykanka waxaa ka go'an ka hortagga isku dhacyada Qaramada Midoobay iyo dadaallada nabad-dhisidda, oo ay ku jirto hirgelinta Istaraatiijiyada Mareykanka ee ka hortagga isku dhaca iyo horumarinta xasilloonida iyo Istaraatiijiyada Mareykanka iyo Qorshaha Qaranka ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG