Accessibility links

Breaking News

Blinken oo ka hadlay cunto yarida adduunka ee xilligan


Secretary of State Antony Blinken
Secretary of State Antony Blinken

Shanti sano ee lasoo dhaafay, “Tirada dadka la nool cunto-yarida baahsan ayaa cirka isku sii shareertay, taasoo gaartay 161 milyan oo ruux halki ay marki hore aheyd 108 milyan guud ahaan caalamka.” Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Xoghaye Blinken ayaa sheegay in tiradaasi ay aheyd ka hor inta aysan Dowladda Ruushka qaadin dagaalka aanan loo qiil-dayin ee Ukraine, kaasoo laga yaabo in uu faqri daran iyo cunto yari dhexda u geliyay dad gaaraya 40 milyan oo ku baahsan daafaha caalammka.

“Qaar ayaa isku dayay inay ku eedeeyaan cuna-qabateynta ay Dowladda Mareykanka iyo dalal badan saareen Dowladda Federaalka Ruushka, kuwaas oo dhahay qalalaasaha ayay uga sii dartay,” ayuu yiri xoghayaha.

“Tani waa been. Marki aanu kusoo rognay cuna-qabetynta Ruushka si aan si dhaqso ah ugu soo afjarno dagaalka, waanu ka tashannay oo si taxaddar leh ayaan u abuurnay rajo ku saabsan dalagyada beeraha iyo aaladaha lagu bacrimiyo. Waxaanu maalin walba ka shaqeyneynaa sidii aan xog uga ama caawin walba oo ay u baahanyihiin dalalka u heli laheyn, si aan u xaqiijinno in cuna-qabateyntaas aysan u hor istaagin cunto ama maaddooyinka bacriminta ee laga diri jiray Ukraine ama Russia ama meel kale.

Isaga oo dhamaadki bishi May ka hadlayay shir heer wasiir ah oo loohga hadlay cunta-yaridda caalamka, ayuu xoghaye Blinken soo jeediyay afar tallaabo oo lagu xallin karin qalalaasaha cunto-yari ee taagan.


“Marka hore waxaanu dooneynaa in ay sare u qaadaan qaaraan cusub oo wax ku ool ah si loo buuxiyo meelaha maran ee ay ka dhiman hey’adaha gargaarka caalamiga ah ee la halgamaya cunto-yarida, taasoo ku qasbeysa kooxaha gargaarka in ay sameeyaan go’aanno adag oo ku saabsan mark aiyo meesha ay ka jaraan cuntada naf-badbaadinta ah ee gargaarka ah.


Iyada oo tusaale u noqoneysa, Dowladda Mareykanka waxay ku dari doontaa deeq-lacageed oo gaareysa 215 milyan oo dollar oo lagu gadi doono cunto gargaar deg deg ah, xilli aanu horay u bixinnay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar tan iyo intii uu billowday duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Tan labaad, waa inaanu ka jawaabnaa bacramin yarida ka jirta dunida.

“Tixgeli Africa, halkaas oo uu qiimaha bacrimintu uu gaaray afarlaab tan iyo billowgii Covid-19 isla markaana uu cirka isku sii tolay wixi ka danbeeyay duullaanka Ruushka ee Ukraine. Hal waddo oo arrintan lagu xallin karo ayaa ah in la abuuro dhiirrigelin la siinayo dalalka si ay u soo saaraan barcmiyeyaal badan, Mareykanka.”

Tan saddexaad, waa inaan kordhinnaa maalgashiga awoodda beeraha iyo adkeysigooda. Dowladda Mareykanka waxay ku maalgelin doontaan shanta sano ee soo socota ilaa 5 bilyan oo dollar.

“Tan afraad, waxaan rumeysannahay inaan caawinno dadyowga dayacan ee faqriga ah ee ay dusha uga dhaceyso saameynta xasaraddan.”

Ugu danbeyntii, waa inaan qaadannaa khatarta inaan tacabno miro badan.

“Hadii aan si wada jir ah u qaadno tallaabooyinka…waxaanu la kulmi doonnaa xasaraddaan waxaana badbaadin doonnaa nolosha dad aanan xisaab laheyn, taasi ayaa ah waxa hadda halista ku jira laakin waxaan ku qanacsanahay haddii aan si wada jir ah isugu nimaanno inaan xallin karno dhibaatadan.” Ayuu yiri xoghaye Blinken.

XS
SM
MD
LG