Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la joojiyo Hawlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suudaan, loona yaqaan UNITAMS, kadib markii ay dawladda Suudaan ka codsatay in si degdeg ah loo joojiyo. Codbixintii dhacday 1-dii Disembar ayaa 14 cod ku ansixiyieen joojinta hawlgalkaas, iyadoo Ruushka uu ka aamusay.
Robert Wood, oo ah Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee Gaarka ah, ayaa sheegay in Mareykanka uu u codeeyay qaraarka "si ay awood ugu yeeshaan in si badbaado leh oo habsami leh ay uga baxaan howlgalka."
"Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay in joogitaanka caalamiga ah ee Suudaan ay kaliya dhiirigelinayso dembiilayaasha xadgudubyada, taas oo cawaaqib xun ku yeelan doonta dadka rayidka ah. Haddii ay wax jiraan, shaqada UNITAMS waxay noqotay mid aad muhiim u ah marka loo eego colaadda furan ee socda. Malaayiin reer Suudaan ah, iyo khatarta sii kordheysa ee faafitaanka khatarta ku ah xasilloonida gobolka, amniga iyo xasilloonida." ayuu yiri.
Laga soo bilaabo Abriil 2023, waxaa soo cusboonaatay iskahorimaadyo u dhexeeya ciidammada qalabka sida ee Suudaan, SAF, iyo kooxda daba-galka ah, ee loo yaqaan Ciidanka Taageerada degdegga ah, RSF. Gobolka Darfur waxaa ka dhacay dhibaatooyin aad u fool xun oo ay ka mid yihiin dilal salka ku haya isir, weeraro lala beegsado difaacayaasha xuquuqul insaanka, tacadiyada jinsiga, iyo bililiqada iyo gubida dhammaan bulshooyinka RSF iyo maleeshiyaadka huwanta ah ee ku nool Galbeedka Darfur" ayuu yiri danjire Wood.
"Falalka foosha xun ee ka dhacay Galbeedka Darfur iyo meelaha kale waxay xusuusinayaan dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee u horseeday Mareykanka inuu go'aamiyo 2004-tii in xasuuq laga geystay Darfur."
Intii ay socotay doodda ku saabsan UNITAMS, Maraykanku waxa uu soo jeediyay talooyin "caqli guud" ah si loo kordhiyo xilka UNITAMS oo loo ogolaado in dib u eegis istiraatiiji ah lagu sameeyo howlgalka kaas oo "sifayn doona oo xoojin doona kaalintiisa sii socota," ayuu yiri danjire Wood. "Si kastaba ha ahaatee, xubnaha kale ee Goluhu way ku heshiin waayeen, iyaga oo dalabaadka cidhiidhiga ah ee dawladda milatariga Suudaan ka hor marinaya dadka Suudaan."
Intaa waxaa dheer, danjire Wood wuxuu ka digay iibinta ama saadka hubka ee quruumaha kale ka imaanayaan ciidamada ka howlgala Suudaan.
"Masiibadani aad bay u dheeraatay. Waa inaan u midownaa si aan uga hortagno taageerada milatari ee dibadda ee SAF ama RSF oo aan joojinno qulqulka hubka ee gudaha iyo guud ahaan Darfur,” ayuu yidhi.
"Dadka Suudaan waxay filayaan oo mudan yihiin wax badan golahan [Amniga]. Xaaladda Suudaan iyo dadkeeda waa mid aad u xun.
Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.