Accessibility links

Breaking News

Horumarinta kobaca beeraha ee Afrika


Promoting Seed Sector Development in Ghana
Promoting Seed Sector Development in Ghana

Bartamihii Sebtembar, USAID, Dowladda Norway, iyo Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa marti galisay shir-doceed ka dhacay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo looga hadlayay sida ugu wanaagsan ee gacan looga geysan karo maalgelinta kobaca beeraha ee Afrika iyo sidii loo heli lahaa habab cusub oo si wanagsan loogu taageero ka qaybgalayaasha kobcinta beeraha.

Qeybta beeruhu waxay shaqaaleysiisaa saddex meelood labo meel shaqaalaha Afrika.

Haddana qaaraddan sida xawliga ah u koraysa, ee la filayo in ay ku xisaabtanto afar meelood meel dadka adduunka ku nool sannadka 2050, ayaysan weli ka bixin cunto ku filan oo ay ku quudiso dadkeeda, sida ay qeexayso Himilada Horumarin ee Labaad ee Qaramada Midoobay ee ciribtirka gaajada.

Ciribtirka gaajada waa mid ka mid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka, ama USAID.

"Waxaan aad iyo aad diiradda u saarnay sidii aan u wanaajin lahayn helitaanka beeralayda yar yar, gaar ahaan, kuwaas oo soo saara inta badan cuntada qaaradda Afrika, si aan uga caawinno inay helaan agabyo badan," ayay tiri Isobel Coleman, ku xigeenka maamulka siyaasadda iyo barnaamijyada ee USAID.

"Abuurista. Bacriminta. Maalgelinta. Munaasabadda caawa waxay ku saabsanayd kordhinta helitaanka maalgelinta - maaha mid yar, laakiin leh macno weyn. ” ayay tiri. " Kuwani waa ganacsato beeralay ah oo ka baxsan baahida dhaqaale ee yar yar, laakiin aan ku filneyn inay la shaqeeyaan bangiyada waaweyn ee badan.

"Maalgeliyaashu waxay u maleynayaan ... maalgashiga beeraha ee Afrika inay tahay mid aad khatar u ah," ayuu tiri Isobel Coleman. oo raacisay "Tani waa sababta ay USAID u bilawday Maalgelinta Shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Afrika Fund, kaas oo awood u leh inuu taageero 500 agri-SMEs iyo 1.5 milyan beeralayda yar yar. Waxaa loogu talagalay "in lagu caawiyo in la dhimo nidaamka maalgashadayaasha, si ay uga caawiyaan gelinta lacagta deeqda, iyo qaar ka mid ah lacagta deeqda ah ee dawladda Norway," ayuu yiri ku xigeenka maamulka Coleman. "Hadafkeena waa inaan ku bilowno $70 milyan laakiin aan gaadhno ugu yaraan $200 milyan."

Coleman ayaa intaas ku dartay "Haddii shirkad ay dhibaato gasho, lacagtaas deeq-bixiyeyaasha waxay noqon doontaa khasaaraha ugu horreeya. Waxaan qaadi doonaa khasaaraha marka hore. Markaa, waxa ay caawisaa shirkadaha samayn doona maalgashi ballaadhan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya raasumaalka ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxa ay yidhaahdaan, ‘Hagaag, waa hagaag, waxa ay qaadan doonaan khasaaraha ugu horreeya.’ Markaa waxa ay khatar gelinaysaa maalgashiga. Waxaan rajeyneynaa in tani ay runtii kor u qaadi doonto maalgelin dheeraad ah."

"Waxaan runtii ... isku dayeynaa inaan helno $1 bilyan oo maalgelin ah si aan u awoodno inaan caawinno beeralayda yar-yar qaarkood runtii kobcinta ganacsigooda, si ay saameyn weyn ugu yeeshaan nidaamyada iyo silsiladaha qiimaha ee beeraha Afrika sanadaha soo socda." ayay raacisay.

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG