Accessibility links

Breaking News

Ka hortagga Hanjabaadaha Argagixiso ee Wajiyada badan leh ee Iiraan


A handout picture made available by the Iranian presidential office on February 2, 2024 shows Iranian President Ebrahim Raisi (3rd L) visiting the Iranian revolutionary guards corps (IRGC) navy base in Bandar Abbas, southern Iran. (Photo by Iranian Presid
A handout picture made available by the Iranian presidential office on February 2, 2024 shows Iranian President Ebrahim Raisi (3rd L) visiting the Iranian revolutionary guards corps (IRGC) navy base in Bandar Abbas, southern Iran. (Photo by Iranian Presid

Isku duwaha arrimaha la dagaalanka argagixisada ee Mareykanka Elizabeth Richard ayaa Congress-ka horteeda marqaati ka sheegtay in hanjabaadaha wajiyo badan leh ee ka imaanaya Iran iyo xulafadeeda argagixisanimo ay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee aan wajahayno nabadda iyo amniga caalamiga ah.

"Muddo tobanaan sano ah, Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran waxa ay ku hawlanaayeen isku day dil, qorshayaal argagixiso, iyo falal kale oo rabshado ah oo lagu bartilmaameedsanayo shakhsiyaadka iyo danaha Maraykanka," ayay tidhi.

Danjire Richard ayaa sheegay in hanjabaadahani ay kordheen dhowrkii sano ee la soo dhaafay, oo xitaa ay ku jireen shirqool la fashiliyay oo lala beegsaday Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka:

“Iran waxa ay sidoo kale sii waddaa taageerada ay siiso kooxo badan oo argagixiso ah oo khatar ku ah dalka Maraykanka iyo shaqaalaha Maraykanka iyo xarumaha Bariga Dhexe iyo meelo ka baxsan. Weerarkii argagixisanimo ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar waxa uu ahaa mid xasuusin leh oo ku saabsan khatarta argagixisada ee joogtada ah ee Iran ay suurtagelisay. Xamaas ma ay awoodeen in ay fuliyaan weerarkooda argagaxa leh la'aanteed Iran oo muddo dheer kaalmaynaysay, maalgelin iyo tababar.

Danjire Richard ayaa sheegay in si looga hortago hanjabaadaha Iran, Mareykanku waxa uu diiradda saarayaa afar arrimood oo muhiim ah:

"Marka hore, waxaan ka hortageynaa Iran anagoo xoojinayna shabakadayada iskaashiga iyo isbahaysiga si aan dhammaanteen u soo bandhigno halgan midaysan oo ka dhan ah ficillada gardarada ah ee Iran. Gaar ahaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaan ku guuleysanay inaan ku qancino dowladaha kale inay cunaqabateeyaan, mamnuucaan ama haddii kale xaddidaan awoodda Xamaas iyo Xisbullah, gaar ahaan, si ay u helaan maalgelin una dhaqaajiyaan dadka iyo agabka.”

Marka labaad, waxaanu isticmaalnaa cunaqabatayn kala duwan si aanu u xaddidno dhaqaalaha Iran iyo shabakadaha taageerada. Tusaale ahaan, maamulka Biden waxa uu dhawaan cunaqabatayn saaray shakhsiyaad qayb ka ahaa shabakad dambiilayaal ah oo ay hagayso Wasaaradda Sirdoonka iyo Amniga Iran oo isku dayday in ay disho dadka ka soo horjeeda taliska Iran ee fadhigoodu yahay Maraykanka.

Saddex, ayuu yidhi Danjire Richard, Maraykanku waxa uu gacan ka geystaa dhisidda awoodaha ka hortagga argagixisada ee xulafadayada iyo saaxiibadayada:

"Waxaan bixinay teknoolojiyad cusub iyo tababaro lagu wanaajinayo amniga xuduudahooda waxaanan balaadhinay wadaaga xogtayada iyo liiska daawashada caalamka," ayay tiri.

"Marka afraad, waxaan bandhignaa oo aan ka hortagnaa ololeyaasha been abuurka ah ee Iran ee loogu talagalay in lagu wiiqo Mareykanka iyo dhiirigelinta weerarrada ka dhanka ah annaga iyo shaqaalahayaga iyo xarumahayada adduunka."

"Dadaalladan iyo kuwa kale waxay naga caawinayaan inaan aqoonsanno oo aan ka takhalusno khataraha argagixisanimada ka hor intaanay soo gaarin xuduudaheenna," ayuu yiri danjire Richard. Sababtoo ah waxa khatarta ku jira, waxay ku dhawaaqday, "Dadaalladayada ka hortagga Iran waxay sii jiri doonaan ilaa inta khatartani ay sii jirto."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG