Accessibility links

Breaking News

Kobcinta xiriirka Mareykanka, Japan iyo Korea-da Koonfureed


Faallada soo socota waxay ka tarjumeysaa aragtida Dowladda Mareykanka

“Muddo sannado ah, Dowladda Mareykanka, bah-wadaagnimada iyo xulufanimada Japan iyo Jamhuuriyadda Kuuriya ayaa ka mid aheyd kuwa ugu muhiimsan, ma ahan oo kaliyah kuwa gobolka Indo-Pacific, laakin guud ahaan caalamka,” Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken kaddib kulan uu la qaatay dhiggiisa dalalka South Korea iyo Japan.

Soo if-bixista khatarta iyo fursadaha hal-abuurka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Korea, Japan iyo Mareykanka ayaa muhiim u ah gudbinta istaraatiijiyad ah in la helo Indo-Pacific furan oo xor ah. Tani waxaa ku jira dadaallo lagu soo afjarayo cudurka COVID-19 iyo dhibaatooyinka isbaddalka cimillada iyo xoojinta dhaqaalo ammaan ah.

Gaar ahaan Indo-Pacific furan oo xor ah “Tiirinta iyo xoojinta silsiladaheenna isku xiran ee daabulista saadka ee ku dayacmay cudurka safmarka ah, laga soo billaabo biraha tiknoolijiga ilaa macdanta muhiimka ah– taas oo naga dhigeysa mid naga kaafisa ku tiirsanaanta agabyada ay soo saaraan kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha ama dhibaato ku ah heerka deegaanka,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Dhammaan istaraatiijiyooyinkaasi waa ku aad u sahlan in ay wada sameeyaan saddexda waddan ee ku horumaray dhaqaalaha, halkii ay labo ama mid uu ka sameyn lahaa, ayuu yiri:

“Ammaanka dhaqaalaheenna wuxuu ku xiranyahay inaan taageerno sharciyada waddooyinka ee soo jiray, kuwaas oo ay sannado badan ka hor noo ogolaadeen amniga iyo xasilloonida lama filaanka ah ee dadkeenna iyo barwaaqada ka jirta guud ahaan gobolka iyo caalamka. Tani waxaa qeyb ka ah in la caqiijiyo in shaqaalaheenna iyo ganacsigeenna ay la tartami karaan si caddaal ah oo la siman heerka suuqyada iyo ilaalinta xorriyadda socdaalka badda iyo cirka ee badda koofurta iyo bariga Shiinaha.”

Indo-Pacific oo xor ah oo furan waxay sidoo kale u baahan tahay in laga wada shaqeeyo qaabaynta heerarka cusub ee tignoolajiyada soo baxaya, kuwaas oo dhaqaajinaya qaybaha waaweyn ee dhaqaalaha oo taabanaya gabi ahaanba dhinac kasta oo nolosha dadka ah.

Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa yoolka ay wadaagaan ee ah in gebi ahaanba Gacanka Kuuriya laga dhigo meel ka caagan niyukleerka iyo sidii nabad waarta loogu heli lahaa halkaas, ayuu yirhi xoghaye Blinken.

“Waanu cambaareyneynaa tijaabooyinki dhawaa ee ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaalaha baalistiga ah iyo barnaamihyadeeda baalistiga iyo niyukleerka sharcidarrada ah, kaas oo xadgudub cad ku ah qaraaradi Golaha Ammaanka. Waxaanu sii wadi doonnaa sidi aan uga shaqeyn laheyn inaan helno wadiiqooyin aan kula xisaabtanno Kuuriyada Waqooyi, sidii aan u saarnay cuna-qabateynnada sided qof oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka wali waa uu furayaa daaqadda wadahadallo aanan shuruud laheyn, haddii ay Pyongyang dariiqaas doorato.”

Xogahye Blinken ayaa yiri “Xiriirka Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan wuxuu ahaan doonnaa mid sii jira “Ballan-qaadka aanan leex-leexadka laheyn ee Mareykanka ee ah in la difaaco xulufadeenna xiriirka qotada dheer ee dhaqaalaheenna ganacsigeenna sii kordhaya iyo xiriirka saaxibnimo ee u dhaxeeya dadkeenna.”

XS
SM
MD
LG