Sideeddii Oktoobar, Xamaas waxa ay Marinka Qaza weerar lama filaan ah oo dhul, cir, iyo badda ah ku qaaday dadka rayidka ah ee Israa’iil. Colaadda ayaa galaaftay nolosha in ka badan 1,000, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Maraykan ah. "Maraykanku wuxuu si aan leex leexad lahayn u cambaareynayaa weerarkan argagaxa leh ee ka dhanka ah Israa'iil ee ay gaystaan argagixisada Xamaas," ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.
Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ayaa ku tilmaamay weerarka Xamaas “Weerarkii ugu xumaa ee Israel lagu qaado tan iyo dagaalkii Yom Kippur ee 1973-dii,” ku dhawaad 50 sano ka hor. "Laakiin sidoo kale waxaa jira farqi weyn," ayuu ku yiri barnaamijka "La kulan Saxaafadda ee NBC."
"Tani waxay ahayd isku dhac u dhexeeya dawlad iyo dawlad, ciidan ka dhan ah ciidan leh jihooyin cadcad. Waa weerar argagaxiso oo ballaran oo lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee Israa’iil, dadka lagu toogto waddooyinka magaalooyinka ay deggan yihiin, laguna dhex toogto guryahooda, iyo in Israa’iiliyiinta – rag, dumar iyo carruur – lagu jiid jiido xuduudka Gaza. Qof ka badbaaday Holocaust oo saaran kursiga curyaanka, haweenka iyo carruurta - dhammaan waa la afduubay." Ayuu yiri Blinken.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas ay geysatay “arxandarro heerka ISIS oo kale ah” oo ka dhan ah muwaadiniinta Israa’iil, “iyada oo gubaya guryaha, iyo gowracayana dhalinyarada joogtay xafladaha muusikada.” Waxa uu sheegay in Wasaaradda Difaaca ay "ku shaqeyneyso sida ugu dhaqsaha badan si ay u siiso rasaas noocyo kala duwan ah iyo qalabka kale ee aadka loogu baahan yahay" Israel. Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay in weerarka diyaaradaha xambaara ee USS Gerald R. Ford ayaa u shiraacday dhanka Israa'iil.
Isagoo ka hadlaya doorka Iran ee weerarka Xamaas, Xoghaye Blinken wuxuu yiri: "Ma hayno wax na tusaya in Iran ay si toos ah ugu lug lahayd weerarkan... laakiin taasi waa wax aan si taxadar leh u eegeyno." Waa inaan aragnaa halka ay xaqiiqadu horseeddo.”
Laakiin waxaan ognahay in Iran ay xiriir dheer la lahayd Xamaas iyo taageero dheer. Waxa uu intaa ku daray: "Tani waa mid ka mid ah sababaha aan uga shaqaynayno sidii aan uga hortagi lahayn Iran, oo ay ku jirto xayiraad lagu soo rogay in ka badan 400 oo Iranian ah - in ka badan 400 - iyo shirkado, gaar ahaan waxyaabaha ay ka midka yihiin taageerada ay siiyaan Xamaas."
Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu siiyo dhammaan hababka ku habboon ee taageerada dawladda iyo dadka Israa'iil," ayuu yiri Madaxweyne Biden. “Argagixisanimadu marna qiil ma yeelato. Israa'iil waxay xaq u leedahay inay difaacdo nafteeda iyo dadkeeda. Maraykanku waxa uu ka digayaa cid kasta oo cadow ku ah Israa’iil oo doonaya in ay xaaladdan ka faa’iidaystaan.” "Taageerada Mareykanka ee amniga Israel waa mid adag oo aan leexleexad lahayn."
Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.