Accessibility links

Breaking News

Qalalaasaha ka taagan Suudaan oo saameeyay Itoobiya iyo Chad


FILE - Sudanese refugees displaced by the conflict in Sudan gather to receive food staples from aid agencies at the Metche Camp in eastern Chad, March 5, 2024.
FILE - Sudanese refugees displaced by the conflict in Sudan gather to receive food staples from aid agencies at the Metche Camp in eastern Chad, March 5, 2024.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee shucuubta, qaxootiga, iyo muhaajiriinta Julieta Valls-Noez ayaa dhawaan safar ku tagtay dalalka Itoobiya iyo Chad halkaas oo ay kula kulantay madaxda sare ee dawladda iyo madaxda hay’adaha samafalka iyo qaxootiga oo ay kala hadashay dhibaatooyinka bini’aadantinimo iyo tahriibka ee sii kordhaya bartamaha iyo bariga Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka ay la yeelatay Ra'iisul Wasaaraha Chad Sosis Massra, Kaaliyaha Wasiirka Noyez ayaa ku dhawaaqday bixinta gargaar bini'aadantinimo oo qiimaheedu ka badan yahay $47 milyan oo doolar oo la siinayo Suudaan iyo dalalka deriska ah:

"Lacagtan ayaa wadarta guud ee gargaarka bini'aadantinimo ee Maraykanka dadka ku nool Sudan iyo dalalka dariska ah ka dhigaysa in ka badan $968 milyan tan iyo sanad maaliyadeedkii la soo dhaafay Maraykanku waa deeq bixiyayaasha bini'aadantinimo ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Suudaan iyada oo xubnaha kale ee beesha caalamka ay gacan ka geysanayaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatada in ka badan hal milyan oo qaxooti ah oo lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan rabshado awgeed, iyada oo in badan ay yimaadaan maalin kasta, sida aan arkay intii aan booqday.

Labada Itoobiya iyo Chad ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya jawaabta Suudaan iyo dadaallada bani'aadanimo ee ballaaran, ayuu yiri Kaaliyaha Xoghaye Noyes:

“Ilaa horraantii 2023, Itoobiya waxay soo dhaweysay ku dhawaad 50,000 oo qaxooti ah oo ka yimid Suudaan. Xilli xasillooni-darro weyn ay ka jirto Geeska Afrika, taageerada Itoobiya ee dadka barakacayaasha ah ayaa weli ah mid aad muhiim u ah. ... Dowladda Itoobiya waxay si dhow ula shaqeysay hay'adaha samafalka si ay u abuurto goobo cusub oo qaxoonti ah ayna siiso gargaar lagama maarmaan ah, oo nafo lagu badbaadinayo tobanaan kun oo qaxooti cusub ah."

Kaaliyaha Xoghaye Noyes ayaa muujiyay sida qotoda dheer ee Mareykanka uu ugu mahadcelinayo deeqsinimada dadka iyo dowladda Chad inta lagu guda jiro taariikhdooda dheer ee dal qaxooti ah.

"Inta badan, Chad waxay aqbashay caqabadda weyn ee soo dhaweynta in ka badan nus milyan qaxoonti ah - iyo in ka badan 100,000 oo soo laabtay - in ka yar hal sano. Waxaan si joogto ah ugu heellan nahay taageeridda dadka nugul ee Chad, gaar ahaan in ka badan 1.1 milyan oo qaxooti iyo magangalyo doon ah. Barnaamijyada uu Maraykanku taageero... waxa ay taageeri doonaan ilaalinta, hoyga, biyaha iyo fayadhowrka, waxbarashada, iyo wax ka badan, qaxootiga, bulshooyinka martida loo yahay, iyo kuwa kale ee ay saamaysay dhibaatada Suudaan."

Ka-hortagga macluusha iyo musiibada muddada-dheer ee Suudaan waxay u baahan doontaa labadaba xabbad-joojin iyo gargaar bini'aadannimo oo aan carqaladayn, ayuu ku nuuxnuuxsaday Kaaliyaha Xoghaye Noyes. "Anaga hadaan nahay Mareykanka waxaa naga go'an inaan la shaqeyno dowladaha Itoobiya iyo Chad, iyo saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, si aan u bixino taageero naf-badbaadin ah malaayiinta qof ee ay saameeyeen iskahorimaadka ba'an ee Suudaan."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG