Accessibility links

Breaking News

Ruushka oo si quus ah u beegsanaya shacabka Ukraine


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Iyadoo duullaanka Ruushka uu wali sii socdo, ayaa waxaa si cad u sii kordhaya in Vladimir Putin uu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee reer Ukraine, sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

“Weerarada cirka ee Ruushka waxay garaacayaan iskuullada, isbitaallada iyo dhismooyinka ay rayidku dagganyihiin. Waxay burburinayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee malaayiinta qof siinayay adeegyada biyaha, gaaska iyo korontada, kuwaas oo ka caawinayo in aysan u dhiman qaboowga. Waxay kaloo buburinayaan basaska dadweynaha, baabuurta iyo xitaa gaadiidka gargaarka deg deg ah ayay madaafiic ku garaacayaan.

Ruushka ayaa tani sameynaya maalin walba guud ahaan Ukraine,”
“Kuwani ma ahan batilmaameedyo millatari; ee waa meelo ay ku noolyihiin kana shaqeeyaan dadka rayidka ah iyo qoysaska,” ayuu yiri Blinken.

“Weerarada Ruushka waxay dileen ugu yaraan boqol qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur, sidoo kalana waxay dhaawaceen boqollaal kale, laakin waxaan filayaa in khasaaraha uu intaasi ka badnaan karo.” Sidaa waxaa tiri Madaxa Guddiga Xuquuqda Adaanaha ee Qaradamada Midoobay Michelle Bachelet.

Mar la weydiiyay in Ruushka uu si ula kac ah u beegsanayo rayidka, ayuu Xoghaye Blinken sheegay in dhab-ahaantii ay arrintaasi sax tahay.

"Waxaan hubaa inaan horay u aragnay in mid ka mid ah hababka dagaalka ee Ruushka uu yahay mid aad u arxan daran oo ula dhaqma muwaadiniinta sida xoolaha oo kale, taasi waxaa ku jirta in si aan kala sooc lahayn ay ugu yaraan u beegsadaan ama ay bartilmaameed ula kac ah u beegsadaan goobaha xasaasiga ah.”

Isaga oo ka hadlayay fadhigii 49-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee dhacay 1-di Bishan March, ayuu Xoghaye Blinken sheegay in bulshada caalamka “ay waajib ku tahay in ay madaxweyne Putin u dirto farriin mideysan oo fareysa inuu si shuruud la’aan ah u joojiyo dagaalkaan gardarrada ah, … isla markaana si deg deg ah ugala baxo Ukraine ciidanka Ruushka.”

“Waa inaan si adag oo aan leexleexad lahayn u cambaaraynnaa isku dayga Ruushku ku doonayo in uu ku rido dawlad si dimuqraadi ah loo soo doortay, iyo xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee baaxadda leh iyo xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Waana inaan qaadnaa tillaabooyin lagula xisaabtamayo dembiilayaasha.”

"Waa inaan hoosta ka xarriiqnaa waajibaadka Ruushka, xitaa duulaankiisa sharci darrada ah, si uu u ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. … Waa inaan diidno isku dayga Ruushka ee uu sida beenta ah uu dagaalkani ugu marmarsiiyoonayo mid u uku difaacayo xuquuqul insaanka - ereyada lunsiga ah ee aan u ilaalinayno xadgudubyada ugu xun iyo ixtiraam la'aanta dhibbanaha dambiyadaas.

“Ugu danbeyntii, waa inaan ku cadaadinnaa Kremlin-ka inuu ixtiraamo dhammaan xuquuqda aadanaha ee dadka Ruushka – oo ay ku jiraan xuquuqda muwaadiniinta si nabadda leh u cabbiray mucaaradnimadooda iyo saxafiyiinta warka soo tabinaya – ee xogta u soo diraya qoysaska askarta Ruushka ee u qalma in ay ogaadaan ajasha kuwa ay jecelyihiin ee ku dhintay dagaalka uu doortay madaxweyne Putin,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.”

“Si dhaw ayaan ula soconnaa waxa ka dhacaya hadda Ukraine, oo ay ku jiraan waxa ku dhacaya dadka rayidka ah. Xisaabta ayaanu ku darsaneynaa, waanu diiwaangelineynaa, waxaanuna rabnaa inaan xaqiijinno inay jiri doonaan isla xisaabtan.”

XS
SM
MD
LG