Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Maamulka Trump ayaa sare u qaadaya cadaadiska uu ku hayo nidaamka shuuciga ah ee caburinta sameeya ee ka dhisan jasiiradda Cuba. Taasi waa sababta “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u qaaday tallaabo adag oo lagu baabi’inayo isbeddellada siyaasadeed ee asbuucii ugu danbeeyay uu sameeyay maamulkii hore 14-kii January,” ayuu Xoghayaha Arrimaha dibadda Marco Rubio ku yiri hadal uu soo saaray.
Madaxweyne Donald Trump ayaa maalintiisii ugu horreysay ee uu xafiiska qabtay u dhaqaaqay in uu Cuba ku sii hayo liiska dalalka taageera argagixisada, “oo ah halka ay mudan tahay” ayuu yiri Xoghaye Rubio. “Maamulka Cuba waxa uu muddo dheer taageerayey falalka argagixisada ee caalamiga ah. Waxaan ugu baaqaynaa taliska in uu joojiyo taageerada uu u fidiyo argagixisada, oo uu joojiyo cuntada, guriyeynta, iyo daryeelka caafimaadka ee uu u fidyo ajaanibta dilaaga ah, kuwa wax qarxiya, iyo afduubayaasha, xilli ay shacabka Cuba gaajoonayaan aysanna heli karin dawooyinka aasaasiga ah.”
Maamulka Trump waxaa ka go’an in dadka Mareykanka ah ay awood u yeeshaan in ay helaan xuquuqaha gaarka ah ee ficillada ku lugta leh hantida la tahriibiyay ee uu sida qasabka ah ula wareegay maamulka Cuba.
“31-ka Jannaayo, waxaan ansixiyay dib-u-abuurista Liiska Xaddidaadda ee Cuba, “ ayuu yiri Xoghaye Rubio, “kaasi oo mamnuucaya macaamilka ganacsi ee khuseeya shirkadaha hoos yimaada, ama u shaqeynaya ama wakiil ka ah, milatariga Cuba, sirdoonka, ama adeegyada ammaanka ama shaqaalahooda”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dib u soo saaraysa liiska xaddidaadda ee Cuba si ay kaalmada ugu diiddo laamaha taliska Cuba ee sida tooska ah u caburiya oo isha ugu haya dadka reer Cuba iyagoo gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha dalka. “Marka laga soo tago dib ugu soo celinta hay’adihii ku jiray liiska illaaa usbuucii ugu dambeeyay ee maamulkii hore,” ayuu yiri Xoghaye Rubio, “waxaan ku dareynaa Orbit, S.A., oo ah shirkad xawaaladeed oo u shaqeysa ama ka wakiil ah ciidamada Cuba.”
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay kor u qaadaysaa la xisaabtanka nidaamka Cuba ee caburinta dadka, waxayna diidaysaa faragelinta xun ee Cuba ee arrimaha Ameerika iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Xoghaye Rubio. “Waxaan taageernaa xuquuqda aadanaha ee dadka Cuba iyo xorriyaadka aasaasiga ah, waxaanna codsaneynaa in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed ee sida xaq-darrada ah u xiran.”
Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Havana ayaa la kulmaya qoysaska dadka sida xaq darada ah u xiran iyo sidoo kale mucaaradka, si ay ugu wargeliyaan in Mareykanka uu si kal iyo laab ah u taageersan yahay dadkaasi, ayuu yiri Xoghaye Rubio. “Waxaa u taaganahhay ballanqaadkeenna reer Cuba, iyo inaan kor u qaadno la xisaabtanka falalka maamulka Cuba.”