Accessibility links

Breaking News

Taalibaan oo si weyn u xaddideysa xuquuqda haweenka


Afghanistan
Afghanistan

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa isaga oo ku sugan Washington wariyaasha u sheegay, in Taliban ay sii waddo qaadashada siyaasado lagu caburinayo haweenka, halki ay wax ka qaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale iyo guuldarrooyinka loo dhanyahay ee dowlad-xumida ee Afghanistan.


Sarkaalkan ayaa hadlay, kaddib amarki bishii May kasoo baxay Taliban ee farayay dumarka in ay wajiga daboolaan marka ay joogaan meelaha babliga ah, isla markaana ay guud ahaan xirtaan xijaabka loo yaqaanno burqa ee ay jirkooda ku wada qariyaan dumarka Afghanstan qaarkood.


Amarkaan ayaa ah calaamad kale oo muujineysa dib u soo celinta ammaradi adkaa ee ay dumarka kusoo rogeen Taliban marki ay xakunka hayeen 20 sano ka hor. Wareegtada kasoo baxday Taliban ayaa sidoo kale amreysa dumarka in ay guryahooda joogaan illaa ay howlo muhiim ah oo lagama maarmaan ah ka doonanayaan bannaanka mooyee. Ragga muxramka u ah dumarka ayaa looga digay in ay ciqaab muteysan doonaan haddii ay ku guul-darreystaan in ay dumarkooda jabiyaan amarka xijaabka, arrintaan oo abuurtay cabsi iyo caga-jugleyn.

Wareegtadan waxay timid waxyar kaddib marki ay Taliban 23-ki bishi March soo saareen qaanuun ku amraya gabdhaha in aysan aadi karin goobaha waxbarashada makra ay dhaafaan fasalka lixaad.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa ku biiray madax badan oo ka tirsan Bulshada Caalamka oo si qoto dheer ah uga walaacsan siyaasadaha dhawaan kasoo baxay Taliban ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Tom West ayaa bartiisa twetter-ka ku qoray, “Siyaasadaha Taliban ee ku wajahan dumarka waxay meel ka dhac ku yihiin xuquuqda aadanaha, saameyn xun ayayna ku leeyihiin xiriirkooda bulshada caalamka.”


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isna yiti “aad baan uga naxay dikareetada kasoo baxday Taliban wuxuuna ku boorriyay Taliban in ay ku adkeystaan wacadki ay qaadeen ee xuquuqda dumarka iyo gabdhaha.”

Mudane Price ayaa sheegay in marki ay Taliban talada la wareegtay bishi August ay sameeyeen ballan-qaadyo ay siiyeen bulshada caalamka gaar ahaan dadka Afghanstan kuwaas oo ahaa in ay ixtiraami doonaan xuquuqda dumarka iyo gabdhaha.


Wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala shaqeyn doonto xulufadeeda iyo bah-wadaagteeda sidii loo kordhin lahaa cadaadiska Taliban ee ah in ay jebiyeen ballan-qaadkii ay sameeyeen.

“Si toos ah ayaan ugala hadalnay Taliban, waxaan sameynay wax kasta oo suuragal ah sidii aan u taageeri laheyn dumarka Taliban, waanu sii wadi doonnaa inaan sheegno ficillada Taliban,” ayay tiri Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield mar ay wareysi siisay CNN May 8.

Waxay intaasi raacisay “Dhanka kale, Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa inuu ahaado deeq-bixiyaha ugu weyn dhanka gargaarka bani’aadannimo ee shacabka Afghanstan. Waxaa isna sidaasi oo kale ballan-qaad u muujiyay dadka Afhganstan afhayeenka Waaxada Arrimaha dibadda Price, oo yiri. “Waanu sii wadi doonnnaa xitaa haddii ay caqabado nooga yimaadaan Taliban, inaan wixi aan karno ku caawinno si toos ah dadka Afghanistan, gaar ahaan si aysan faa’ido uga heleyn Taliban.”

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka


XS
SM
MD
LG