Accessibility links

Breaking News

Talaabooyinka lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya


ETHIOPIA-UNREST-éthiopie-ethiopie
ETHIOPIA-UNREST-éthiopie-ethiopie

Malaayiin qof oo ku nool Ethiopia ayaa wali wajahaya xaalado cunti yari aad u daran iyo gaajo xad-dhaaf ah, kuwaasi oo ah natiijo si toos ah uga dhalatay colaadda dalkaasi ka taagan.


Xitaa, dagaalka sokeeye ka hor, dadka ku nool goobaha ay colaaduhu ka taaganyihiin ayaa u baahnaa gargaar cunto, sababo la xiriira saddex sano oo abaaro ah iyo dalagyadi soo go’ay oo aanan dadka ku filnaan.


Hase ahaatee, dagaalka u dhaxeeya ciidanka federaalka iyo xoogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, ayaa uga sii daray xaaladdi marki hore taagnay taasoo isu baddashay masiibo bani’aadannimo. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay in ka badan 90 boqolkiiba dadka Tigray oo ka kooban 5.5 milyan ayaa aad ugu baahan kaalmo cunto.


Taasi ayaa ah sababta ay Dowladda Mareykanka dhiirri-gelineyso tallaabooyinka ay todobaadyadi dhawaa horau u qaadeen, dowladda Itoobiya iyo maamul goboleedyada Tigray iyo Cafar kuwaas oo gogol-dhig u noqonan kara in la dhameeyo colaadda lana suura-geliyo in gargaarka bani’aadannimo ee aadka loogu baahanyahay la gaarsiiyo bulshooyinka ku nool aagaga ay colaaduhu ka jiraan.


Tusaale ahaan, ra’isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa qaaday xaaladdii deg degga aheyd, sii daayay qaar ka mid ah maxaabiis siyaasadeed iyo dad kale oo xirnaa, sidaasi si la mid ah maamulka Tigray ayaa shaaciyay inay qaboojiyeen colaadda. Dhanka kale xoogagga Tigray-da ayaa kasoo baxay gobolka Cafarta iyaga oo ku celceliyay ballan-qaadkooda ah in colaadda lagu dhamaayeeo xal nabadeed.


Sidaasi daraadeed, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku boorriyay dhinacyada “in ay dedejiyaan, ayidaan oo ay ballaariyaan dadaalladaasi,” Wuxuu kaloo intaasi raaciyay, “Sida uu madaxweyne Biden yiri dhammaan dadka ay saameeyeen colaadaha ee Itoobiya waa in ay galaangal deg deg ah oo waayo oo aanan leex-leexad laheyn u helaan gargaarka bani’aadannimo. Hadda waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada in ay ka faa’ideystaan fursaddaan oo ay horay u sii wadaan wadahadalka xabad-joojinta, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin isku-duwid lagama maarmaan u ah amniga, in lagu baaqo in dib loo soo celiyo adeegyada lagama maarmaanka ah ee Tigray.”


Dowladda Mareykanka waxay barbar taagantahay diyaarna u tahay in ay sii waddo kaalmada naf-badbaadinta ah, iyada oo baaqi ku sii ahaan doonto sida ay uga go’antahay in ay taageerto madaxbannaanida, barwaaqada Itoobiya iyo in ay taageerto hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay si loo bogsiiyo kala qeybsanaanta waddanka isla markaana nabad iyo ammaan u helaan dhammaan dadka Itooboya.

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

XS
SM
MD
LG