Accessibility links

Breaking News

Waa in la garawsado dhibaatada ka jirta waqooyiga Itoobiya


Blinken and Abiy
Blinken and Abiy

Noofambar 2, 2022, Heshiiskii Joojinta Colaadda ayaa soo afjaray colaado arxan darro ah oo laba sano ka socday waqooyiga Itoobiya. Hadda, Itoobiya waxay ka soo baxaysaa dagaalkii ay dhinacyada oo dhami ay geysteen dhibaatooyin.

"Waxaan ku ammaanay labada dhinacba sida ay heshiiskaas u gaareen iyo horumarka ballaaran ee laga gaaray hirgelintiisa," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken. Si kastaba ha ahaatee, "Si loo dhiso nabad waarta, waa in la qiraa gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada, iyo sidoo kale isla xisaabtanka iyo dib-u-heshiisiin." ayuu raaciyay.

“Kadib markii ay wasaaradda arrimaha dibaddu si taxadar leh u eegtay sharciga iyo xaqiiqooyinka, waxaan go’aamiyay in xubno ka tirsan Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Ciidamada Difaaca Eritrea, Ciidamada Xoraynta Shacabka Tigray, iyo ciidamada Amxaarada ay galeen dambiyo dagaal intii lagu jiray iskahorimaadka waqooyiga Itoobiya." ayuu raaciyaay.

Xubnaha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Ciidanka Difaaca Eritrea, iyo ciidamada Amxaarada ayaa sidoo kale geystay dambiyo ka dhan ah bini'aadminimada, oo ay ku jiraan dil, kufsi iyo noocyo kale oo xadgudub galmo ah iyo cadaadis.

"Xubnaha ciidamada Axmaarada waxay galeen dambi ka dhan ah bini'aadantinimada oo ah masaafurinta ama wareejinta qasabka ah waxayna geysteen isir sifeyn iyagoo u maraya sida ay ula dhaqmeen dadka Tigrayga ah ee ku nool galbeedka Tigray."

"Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadkii ay dhinacyada heshiiska joojinta colaadda ay sameeyeen si ay u qiraan gabood-fallada la geystay iyo cawaaqibkooda xun," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Dawladda Itoobiya waxay qaadaysaa tillaabooyinka ugu horreeya iyadoo si guud u siidaynaysa warbixin faahfaahsan oo ah fursadaha caddaaladda ku-meel-gaarka ah oo ku salaysan hab-dhaqanka ugu wanaagsan iyo in la dhiso waayo-aragnimada dawladaha kale ee ka soo baxaya xilliyada rabshadaha baahsan. Waxay ku casuuntay khubaro ka socota Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Insaanka inay ku biiraan Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya si ay koox kormeerayaal ah oo xuquuqul insaanka ah u geyso meelaha ay colaaduhu saameeyeen si loo hubiyo in falalkaasi ay si dhab ah u joogsadeen.” ayuu yiri Blinken.

“Ugu dambayntii, iyo muhiimad gaar ah, waxaanu ku boorinaynaa dawladda Itoobiya iyo dawladda Ereteriya, iyo sidoo kale kooxda TPLF, inay la xisaabtamaan kuwa ka masuulka ah gabood-falladaas,” ayuu yidhi Xoghaye Blinken.

Talaabooyinkan – qirashada, isla xisaabtanka, dib-u-heshiisiinta – waxay fure u yihiin in la jabiyo qalalaasaha qawmiyadaha iyo siyaasadda ee Itoobiya qabsaday oo u diiday inay gaadho awooddeeda aan xadidnayn muddada dheer.” ayuu yri xoghaye Blinken.

“Maraykanku waxa uu la wadaagi doonaa Itoobiya marka ay fulinayso hannaan caddaalad ku meel gaar ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay uga faa’iidaysanayaan dhammaan dhibanayaasha iyo bulshooyinka ay saamaysay,” ayuu yidhi Xoghaye Blinken. "Waxaan la garab istaagi doonaa Itoobiya maadaama ay si daacad ah u wajaheyso xadgudubyadii horay loo geystay, isla markaana ay u bixineyso la xisaabtanka waxyeelada loo geystay muwaadiniinteeda, una dhaqaaqeyso mustaqbalka nabad waarta."


Taasi waxay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG