Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo musuq-maasuq ku calaameeyey siyaasi hore oo Albanian ah


 Sali Berisha
Sali Berisha

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dhamaadkii bishii May, Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa musuqmaasuqe weyn u aqqoonsaday Sali Berisha [Sah-lih Beh-rish-ah] oo ah siyaasi xilal sare ka soo qabtay dalka Albania. Sali Berisha ayaa soo noqday Madaxweynihii labaad ee Albania sanadihii 1992 ilaa 1997-kii, wuxuuna noqdey raiisul wasaaraha dalkaasi sanadihii 2005 ilaa 2013-kii, isagoo 30-kii sano ee lasoo dhaafay xubin ka ahaa baarlamaanka Albania.

“Isagoo ka faa’iidaysanaya awooddiisa rasmiga ah ee Ra'iisul Wasaaraha Albania gaar ahaan, Berisha ayaa ku lug lahaa falal musuqmaasuq, sida ku takrifalka hantida dadweynaha iyo faragelinta howlaha bulshada, oo ay ka mid tahay in uu awooddiisa u adeegsado danihiisa gaarka ah iyo in uu ku naaxiyo saaxiibadiisa siyaasadeed iyo xubnaha qoyskiisa, isaga oo dhaawacaya kalsoonida shacabka Albania ku qabaan hay’adahooda dowladda iyo saraakiisha dowladda,” ayuu Xoghaye Blinken ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Intaasi waxaa dheer, hadalladiisa ayaa ah kuwa muujinaya in uu diyaar u yahay ilaalinta nafsaddiisa, xubnaha qoyskiisa, iyo xulufadiisa siyaasadeed, isaga oo waxyeeleynaya baaritaannada madaxbanaan, dadaallada la dagaalanka musuq-maasuqa, iyo tallaabooyinka kale ee la xisaabtanka.”

Aqqoonsigan musuqqa ah ayaa ka dhigan in Sali Berisha, xaaskiisa, iyo caruurtiisu aan loo oggoleyn in ay tagaan Mareykanka.

Sida uu qabo Bangiga Adduunka, musuqmaasuqu waa nooc ka mid ah daacad-darrada ama dambi uu galo qof ama urur lagu aaminay jago maamul, ayna ku faaiidaan ama ku takri-falaan awoodda la siiyay si looga macaasho mas’uuliyadda. Dhabtii, waxaa jira caddeymo xoogan oo muujinaya in wadamada ugu musuq-maasuq badan ay yihiin kuwa ay hooseeyaan heerarkooda horumarinta dadweynaha.

Sida ay tilmaameyso Transparency International, oo ah hay'ad aan macaash doon aheyn, islamarkaana aan dowli aheyn kana shaqeysa soo bandhigidda musuq-maasuqa iyo ka hortagga falal dambiyeedyada ka dhasha, “musuq-maasuqa waxa ay u badan tahay in uu si daran u waxyeeleeyo kobaca dhaqaale ee muddada-dheer, isaga oo xagal-daaciya maalgashiga, canshuuraha, kharashka lagu bixiyo adeegga dadweynaha, iyo horumarinta aadanaha.”

Xaqiiqdii, musuq-maasuqa wuxuu “saameeya qeybsiga kheyraadka ee guud ahaan bulshada, wuxuu kordhiyaa sinnaan la’aanta dakhliga, wuxuu wiiqaa waxtarka barnaamijyada daryeelka bulshada, ugu dambeyntiina, wuxuu keenaa in horumarka dadku uu gaaro heerar hooseeya. Tani ayaana wiiqi karta horumarka joogtada ah ee muddada fog, kobaca dhaqaale iyo sinnaanta.”

Si kale haddii loo dhigo, musuq-maasuqa ayaa ah caqabad weyn oo ku gudban horumarka.

“Iyadoo laga duulayo ku dhawaaqistan, waxaan hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay'adaha dimuqraadiga ah ee Albania, howlaha dowladda, iyo tallaabooyinka ay qaadaan saraakiisha dowladda Albania,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Aqqoonsigan ayaa markale xaqiijinaya ballanqaadkii Mareykanka ee taageerada dib-u-habeynta siyaasadeed ee muhiimka u ah hay'adaha dimuqraadiga ah ee Albania. Mareykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu garab istaago dadka reer Albania. Waaxda [arrimaha dibaddu] waxa ay sii wadi doontaa in ay u adeegsato go’aannada ceynkan oo kale si ay u horumariso la-xisaabtanka kuwa ku lugta leh musuqmaasuqa ka jira gobolkan iyo caalamka oo dhan.”

XS
SM
MD
LG