Accessibility links

Breaking News

Korea-da Woqooyi oo si darran u ciqaabeysa xoriyadda diimaha


Kim Jong Un
Kim Jong Un

Tani waa Faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxuu sii wadaa walaaca qotada dheer uu ka muujinayo xagdubyada ballaaran ee xuquuqda aadanaha ee North Korea oo ay kujirto xayiraadda lagu soo rogay xorriyadda diimaha, sida uu sheegay Daniel Nadel oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Arrimaha dibadda ee Meykanka.

Sida laga xusuay warbixinta ay soo saartay kooxda xorriyadda diimaha ee caalamiga, dowladda North Korea ayaa lasoo warinayaa inay sii waddo fulinta dilal toogasho ah, jirdil, xarig iyo xad-gudub jireed oo lagula kacayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha diimaha.

Galangaal la’aanta wararka ee dalkaasi ka jirta iyo helista xogaha oo adag ayaa sii xadidaysa in la helo faahfaahinta kiisaska tacaddiyada gaarka ah, sidoo kale arrimahan ayaa adkeynaya in la qiimeeyo inta ay la’eg tahay tirada kooxaha diimaha ee dalkaasi ku sugan iyo xubnaha iyaga ka tirsan.

Hay’adda aan dowliga aheyn ee (Open Doors USA) ayaa qiimeyn ay sameysay dhamaadkii sanadkii hore ku sheegtay in 50,000 ilaa iyo 70,000 oo masiixiyiinta North Korea ay xabsiga kujiraan.

Bishii May ee 2020-kii Hay’adda (Christian Soldarity Worldwide) ayaa qiimeynteeda ku sheegtay in 200,000 oo ruux jeelasha lagu hayo kuwaas oo qaar badan oo kamid ah ay masiixi yihiin.

Xarunta macluumaadka Hay’adda xuquuqda aadanaha North Korea oo ah, urur samafal fadhigiisu yahay South Korea oo tixraacaya dadka soo cararay ee tagay South Korea intii u dhexeysa 2007 ilaa December 2019kii iyo ilo kale ayaa soo warisay, 1,411 kiis oo la xiriira xadgudubyada xuquuqda xorriyadda diinta oo ay geysatay xukuumadda North Korea., taasoo ay kujiraan dilka 126 ruux iyo dad gaaray 94 qof oo ilaa iyo hadda la la’yahay.

Bishii October ee 2020-kii Hay’adda KFI ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa soo saartay warbixin ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 117 ruux oo kamid ah dadkii kasoo baxsaday ee goobjoogga u ahaa dambiiilayaashii ku xad gudbay xorriyadda diinta intii u dhaxaysay 1990-kii ilaa 2019-kii, ayaa baaritaankii lagu sameeyay lagu aqoonsaday, 273 dhibane oo loo ciqaabay inay ka qeyb qaateen barshada diinta ama xiirro ay la sameeyeen shaqsiyaad diinta ku dhaqma iyo inay xaadireen goobaha cibaadada iyagoo dadka la wadaagaya waxa ay aaminsan yihiin.

KFI ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dadkaas ay halis ugu jiraan xarig, su’aalo weydiimo aan dhamaaneyn iyo ciqaab loo geysto xubno kamid ah qoysaskooda, sida in la jir dilo, kufsi, ilma kasoo ridis qasab ah, dilal toogasho ah iyo maxkamadeyn.

2020-kii ayaa noqday sanadkii 19aad oo xiriir ah oo North Korea ay kaalinta koowaad ka gasho warbixnta sanadlaha Hay’adda Open Doors USA ee liiska waddamada dadka masiixiyiinta ah ay tacaddiyada kala kulmaan.

Ururrada aan dowliga aheyn iyo dadka soo cararay ayaa sheegay in dowladda ay badanaa u isticmaasho xarig iyo jirdil xubanaha qoysaska masiixiyiinta. Sida laga soo xigtay Hay’adda Open Doors USA, “ haddii la ogaado masiixiyiinta North Korea waxay wajahayaan in loo musaafuriyo kaamam dadka lagu addoonsado oo si qasab ah loogu shaqeysanayo iyagoo sidoo kale lala mid dhigayo dambiileyaal siyaasadeed oo kale ama xitaa in islamarkiiba la dilo.

Nadel oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegay, in Mareykanka uu damacsan yahay in siyaasaddiisa arrimaha dibadda ay udub dhexaad u noqdaan arrimaha xuuqda aadanaha, taas oo ay kujirto kor u qaadista la xisaabtanka dambiileyaasha geystay xadgudubayada ka dhanka ah xorriyadda diimaha ee ka dhacay North Korea.

XS
SM
MD
LG