Tani waa faalo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.
Shan sano ka hor maxkamad dhex dhexaadineed ayaa go,aan ka gaartey muranka dhinaca lahaanshiyaha bada iyadoo sharcigu diidey sheegashada shiinaha ee bada koofureed ee Shiinaha. Waxaana ay maxkmadu gaartey in sharcigaasi uusan u la fal geli Karin sharciga caalamiga ah badaha ee QM.
Bada Koofurta China waa mid ka mida badaha ugu mashquulka badan ee ay maraakiibtu isaga kala gooshaan, waxaana ku yaala dhowr jazeeradood oo ay ku wareegsan yihiin biyo ku wanaagsan kaluumeytsiga iyo dhul macdano kala duwani ay ku jiraan oo saliid iyo gaaska dabiiciga ah ay ka mid tahay.
China, Taiwan, the Philippines, Malaysia, Brunei iyo Vietnam ayaa u tartamaya sheegashada jaziiradahan ku yaala bada koofurta China waxaana isku soo laalaabanaya sheegashadaas.
Tan iyo sanadkii 2013ka jamhuuriyada Shiinaha waxa ay sare usii qaatey muranka bada Koofurta China iyagoo sameeyey dib u habeyn dhulkaas ah iyo milatari badan oo la geeyey, Beijing waxaa kale oo ay qaatey talaabooyin daandaansi ah si ay u cabsi galiso una bajiso wadamada kale ee Koofur Bari Asia ee sheeganaya biyahaas isla markaana ay u hirgeliso sheegashadeeda qiimaha badan ku kacaysa ee sharci darada ah.
Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa qoraal uusoo saarey ku yiri
“Ma jirto meel uu sharciga badaha uu halis weyn ugu jiro dunida uu ka weyn yahay kan Bada Koofurta Shiinaha, Jamhuuriyada Shiinaha waxa ay wali sii wadaa cagajugleynta iyo cabsigelinta ay ka wado wadamada la wadaaga biyaha bada iyagoo halis gelinaya xoriyada looga kala gudbo marinkan dunida muhiimka u ah.”
Xiligii uu dhacaayey xukumka bada Koofurta Shiinaha, waxa ay maxkamadu cadeysey in ficilada dowlada Shiinaha sida dhismaha ay ka sameyneyso aagaas in ay halis ku tahay xoriyada iyo madaxbanaanida Manila iyo qeybtii ay ku laheyd aagaas ganacsi.
Shiinaha iyo Philipines sida uu qorayo qodoba ka mida waajibaadka heshiiskooda eek us aleysan sharcigaha badaha waxaa looga fadhiyaa in ay ku dhaqmaan go,aankaas. Dowlada SHiinaha waxa ay laashey go,aankaas waana diidey in ay wax ka bedesho dhaqamadeedii iyo ku dhaqanka sharciga.
“Mareykanka waxa ay mar akle hoosta ka xariiqayaan siyaasadoodii July 13keedii sanadkii 2020ka ee la xiriirtey sheegashada lahaanshiyaha bada Koofurta China, ayuu yiri xogahaye Blinken oo dhinaca kalena ku celiyey in weerar loo geysto ciidamada Philipines, maraakiibta shacabka ama diyaaradaha bada Shina sea in ay keeni karto in ay mareykanku ku taagnaadaan heshiiskuu difaaca labada dal ee qodobka 4aad ee heshiiskii difaaca Mareykanka iyo Philipines ee sanadkii 1951.
Xoghaye Blinken ayaa ugu danbeyn yiri“waxaanu ugu baaqeynaa dowlada Shiinaha in ay u hogaansanto waajibaadka sharciyada caalamiga ah, in ay joojiso dhaqamadeeda daandaansiga ah ayna qaato talaabo ay ugu xaqiijineyso beesha caalamka in ay ka go’an tahay sharciyada la xiriira badaha in ay ku dhaqanto kaasoo ixtiraamayaxuquuqda dalalka kale kuwo waaweyn iyo kuwo yaryarba”