Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowlada Mareykanka
Mareykanka ayaa si adag u canbaareeyey weeraradii ugu danbeeyey ee ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Sacuudiga. Bishii August 31keedii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska ayaa weerarey garoon rayidku isticmaalaan oo ku yaala magaalada Abha, waxaana ay ku dhaawaceen sided qof oo rayid ah, waxaa sidoo kale ay bur bur u geysteen diyaarad rakaab ah. September 4-teedii weerar gantaal oo ayey Xuutiyiintu ku qaadeen gobolka dhinaca bari ee dalka Sacuudiga ku yaala waxaana ay ku dhaawaceen laba caruur ah iyagoo waxyeelo u geystey dhowr guri.
Qoraal uu soo saarey xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu xusey in tan iyo bilowgii sanadkan 2021 ay Sacuudigu u dulqaateen 240 weerar oo ka yimid Xuutiyiinta kuwaasoo Qatar geliyeydadka Sacuudiga iyo in ka badan 70,000 oo muwaadiniin Mareykan ah oo degen dalka Sacuudiga.
“Xuutiyiintu waxaa kale oo ay xoojiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha Yemen gaar ahaana weerardooda Marib” ayu uku yiri qoraalkaas xoghaye Blinken. Bishii August 29keedii weerar gantaal iyo mid diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ah ayaa lagu qaadey saldhiga cirka ee Al-Anad ee Yemen deegaanka Lahi waxaana lagu diley 30 qof.
Safaarada Mareykanka ee boqortooyada Sacuudiga ayaa ugu yeertey weerarkaas “mid aad u xun iyagoo intaas raaciyey inuu Qatar ku yahay nolosha, dhismayaasha adeega bulshada, nabada iyo xasiloonida Yemen”
Dagaalka Yemen ayaa bilowdey 2014kii markaasoo ay Xuutiyiintu ka qabsadeen caasimada Yemen ee Sanca dowladii ay caalamku aqoonsanaayeen waxaana ay madaxweynihii dalkaasi ka dhigeen mid dibad joog ah. Isbaheysi milatari oo uu Sacuudigu hogaaminaayey ayaa faragelin ku sameeyey yemen sanadkii 2015-ka, iyagoo taageeraaya ciidamada dowladii la eryey ee ay caalamku aqoonsanaayeen ee sharciga aheyd, tan iyo xiligaasi waxaa ku dhintey dad gaaraya 133,000 oo ay ku jiraan 131,000 oo u dhintey sababo ka dhashey dagaalkaas sida cuno yaraan, adeegyadii caafimaadka oo dalkaasi aan ka jirin iyo adeegii dadweynaha oo aan shaqeyneyn, sida ay sheegtey QM.
Colaadaasi ayaa dhalisey mid ka mida masiibooyinkii bani’aadanimo ee dunida ugu xumaa waxaana ay keentey in 5 Million oo qof ay qarka u saran yihiin macluul halka in ka badan 20 Million oo qofna ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadanimo.
Bishii March ee sanadkan Sacuudiga iyo dowlada Yemen ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin in ay aqbalaan xabad joojin guud oo dalka Yemen ka hirgasha, balse dalabkoodaasi waa ay diideen Xuutiyiinta.
Maamulka Biden iyo harris ayaa waxa ay riixayeen xal diplomaasiyadeed oo colaada Yemen laga gaaro. Sida uu qoraalkisi aku xusey xoghaye Blinken waxa uu sheegey “in weerarada Xuutiyiinta ay yihiin kuwo colaada sii kaga sii Daraya oo sii dabadheereynaya dhibaatada heysata shacabka Yemen sidookalena halis gelineysa dadaaladii nabada ee xilia adag maraayey” waxa uu ugu yeerey Xuutiyiinta “in ay aqbalaan xabad joojinta ayna hore ugus ii socdaan wadahadalada Qm ay garwadeenka ka tahay.”
Taasi waxay aheyd faalo ka tarjumeysa aragtida dowlada Mareykanka