Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ku celiyey taageerada uu hayo isbeddelka rayidka ah ee Suudaan


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa ku celiyay taageerada uu u hayo ku isbeddelka rayidka ah ee Suudaan ka dib markii la isku dayay in uu awoodda kala wareego dowladda ku-meel-gaarka ah ee rayidka ah, ama CLTG.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Suudaan, dhagar-qabayaal daacad u ah madaxweynihii hore ee muddada dheer iyo kaligii taliye Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa isku dayay inay xukunka la wareegaan 21-kii Sebtember laakiin waa laga hortagay.

Al-Bashiir ayaa xukunka laga tuuray sanadkii 2019, ka dib markii mudaaharaadyo nabadeed oo baahsan oo ka dhacay dalka lagu dalbaday in xilka laga xayuubiyo. Waxa uu hadda ku xiran yahay Khartuum waxaana saaran amar ama waaran soo qabasho oo ay soo saartay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee The Hague iyadoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa Suudaan waxaa xukumayay dowlad ku-meel-gaar ah oo rayid ah oo ka shaqeyneysa sidii dalka loogu dhaqaajin lahaa doorashooyin dimuqraadi ah horraanta sanadka 2024-ka. Dowladda Mareykanka waxay si dhow ula shaqeysay Suudaan si loo ilaaliyo guulaha dimoqraadiyadda inta lagu jiro kala-guurkaan.

Af-hayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price ayaa cambaareeyay "isku daygii dhicisoobay ee ay sameeyeen milatariga iyo jilayaasha rayidka ah si ay awoodda ugala wareegaan dowladda ku meel gaarka ah ee Suudaan." Bayaan uu soo saaray, ayuu ku yiri, “Mareykanka waxa uu sii wadaa inuu taageero CLTG si uu u raadsado kala guur dimuqraaddi ah oo ka dhaca Suudaan ah. … Falalka ka soo horjeeda dimuqraadiyadda sida kuwii 21-kii Sebtember ka dhacay Khartuum waxay wiiqayaan baaqii dadka Suudaan ee ahaa xorriyadda iyo caddaaladda waxayna meel-dhigayeen taageerada caalamiga ah ee Suudaan, oo ay ku jirto xiriirka laba geesoodka ah ee Mareykanka, oo halis ku jira.”

Ka dib markii la joojiyay bishii Diseembar 2020 in aqoonsigii dalka Suudaan ee ahayd inay ka mid tahay Dawladaha taageera Argagixisada, ayaa Maraykanku wuxuu sii waday inuu dhiirri geliyo iskaashi ballaaran oo lala yeesho CLTG wuxuuna kor u qaaday qulqulka gargaarka ee dalka Suudaan.

Laakiin sida uu Volker Perthes, Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Ku meelgaarka ee Isku dhafan ee Qaramada Midoobay, ama UNITAMS, u sheegay Golaha Ammaanka horraantii Sebtembar, "Caqabadaha haysta dalka Suudaan waa kuwo aad u weyn," oo ay ku jiraan xaalad dhaqaale oo adag, caddaalad la'aan iyo isla-xisaabtan la'aan, iyo inay rabshadaha hor leh ka dilaacaan Darfur iyo Bariga. Mr. Perthes ayaa carrabka ku adkeeyay in dalku u baahan yahay taageero caalami ah oo joogto ah haddii la doonayo in la sii wado horumarka laga sameynayo u gudbidda dimuqraadiyadda.

Afhayeen Price ayaa wuxuu xusay in iyada oo ay weheliyaan “jilaayaal badan oo caalami ah, in Mareykanka uu abaabulayo kaalmo la taaban karo si looga caawiyo Suudaan inay gaarto yoolalka dhaqaalaha iyo amniga ee dalka.”

Mr. Price ayaa ku dhawaaqay, “Waxaan hormarin doonnaa taageeradan maadaama Suudaan ay sii waddo horumar joogto ah oo ku aaddan ku-meelgaarnimadeeda, oo ay ku jirto sameynta gole sharci dejin, dib u habeyn lagu sameeyo laamaha amniga ee hoggaanka rayidka ah, iyo caddaaladda iyo la xisaabtanka xadgudubyadii hore ee xuquuqda aadanaha.”

XS
SM
MD
LG