Horraantii December, maamulka Biden iyo Harris waxa ay soo saareen istraatijiyadii Maraykanka ee abid ugu horeysay ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, iydoo ay sidaa tahay, Maraykanku waxa uu dib u xaqiijinayaa la dagaalanka masiibadan caalamiga ah inay fure u tahay ahmiyad siinta siyaasada gudaha iyo dibada ee dawlada Maraykanka.
Isagoo ka hadlayay Ecuador bishii October ayaa xoghayaha arimaha dibada Antony Blinken uu taxay dhawr sababood oo ah sababta musuqmaasuqu oo u yahay awood wax burburisa, “Musuqmaasuqa ayaa lagu qiyasaa inuu ka yahay boqolkiiba shan dakhliga gudaha ee dunida oo dhan, waxa uu curyaamiyaa koboca, waxa uu niyad jabiyaa maalgashiga, waxaana uu sii balaadhiyaa sinaanshiiyo la’aanta” ayaa uu idhi. “Hasayeeshee waxa suurtogal ah in shabakada ugu weyn ay saaran tahay muwaadiniinta, inay aaminaan maalgashiga”
“Xaqiiqatan hadii aad eegto badanka kacdoonada rayidka, ka bilow Ukrain, fagaraha Taxriir ee Masar, Romania ilaa Tuuniisiiya, Suudaan ilaa Guatemala, waxa aad ogaanaysaa inuu udub dhexaad u yahay kacdoonkooda musuqmaasuqu”
“Waxa ay saamaysaa dadka dhinac walba noloshooda maalinlaha ah, waxaanay ka leexisaa dhaqaalaha dawladu ay u adeegsan lahayd islamarkaana ay ku bixin lahad dugsiyada, Hospitaalada, wax xaqiiqatan kobcinaya nolosha dadka”
Heer qaran, Istraatiijiyadan cusubee lagula dagaalamayo musuqmaasuqu waxa ay beegsanaysaa nuglaanshiiyaha hanaanka maaliyada Maraykanka ee kuwa wax musuqmaasuqaa ay suurtogal tahay inay beegsadaan, dunida, istraatiijiyadani waxa ay dejinaysaa sida Maraykanku ula falgalayo talaabooyinka la dagaalanka musuqmaasuqa ee kaalmada dibada ee uu Maraykanku bixiyo, diblomaasiyada dhinacyada kala duwan ah, iskaashiyada amaanka iyo heshiisyada laba geesoodka ah”
Istraatijiyadan lagula dagaalamayo musuqmaasuqu waxa ay ku taagan tahay shan tiir, ka bilow, Maraykanku waxa uu casriyeyn doonaa islamarkaana kobcin doonaa iskaashiga dedaalka dawlada Maraykanka ee dedaalada lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxa sidoo kale uu u qoondayn doonaa arintan agab door ah.
Ta labaad, waxa ay ka hadli doontaa faraqa u dhexeeya hanaanka shuruucda maraykanka iyo la shaqaynta xulafada caalamiga ah ay isku wax sameeyaan.
Ta sadexaad ayaa ah, in Maraykanku uu ka shaqayn doono inuu yareeyo lacagaha sharci darrada ah islamarkaana uu qabto kuwa musuqmaasuqa sameeya.
Ta afaraad, waxa uu ka shaqayn doonaa inuu dhigo islamarkaana uu xoojiyo hanaan dhinacyo badan leh oo lagula dagaalamo musuqmaasuqa.
Ta ugu danbaysa, istaraatijiyadan cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa raadinaysa in lala sameeyo falgal dhinaca diblomaasiyada ah xulafada shisheeyaha ah, si ay muhiimada u siiyaa dedaaladda la dagaalanka musuqmaasuqa.
Tani oo ka mid tahay in saamayn lagu yeesho kaalmada dibdada so loo kobciyo daahfurnaanta, la xisaabtanka iyo dib u habaynaha la dagaalanka musuqmaasuqa.
“Musuqmaasuqu waxa uu halis ku yahay amaanka caalamiga ah ee Maraykanka, agabka dhaqaalaha, dedaaladda caalamiga ah ee horeumarka iyo la dagaalanka saboolnimada iyo dimuqraadiyada laf ahaanteeda” waxa sidaasi idhi madaxweyne Biden. “Hasayeeshee in si wax ku ool ah looga hortago loolana dagaalamo musuqmaasuqa iyo muujinta faaidooyinka daahfurnaanta iyo la xisaabtanka maamulkooda, waxa aynu ku xaqiijin karnaa faaiido dhab ah oo maraykanka iyo kuwa kale ee dimuqraadiga ah”