Accessibility links

Breaking News

Cudurrada la dayacay ee ku faafa dhulka kulul


BOSNIA-USA/AID

Tani waa faall ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka.

30-ka bisha January waxay ku beegneyd sannad-guuradi saddexaad ee xuska maalinta caalamiga ah ee Cudurrada la dayacay ee Kuleelaha, xuskaan oo ah mid caalami ah oo loogu tala galay in sare loogu qaado wacyi-gelinta cudurradaan. Sidoo kale waa maalin la raadiyo taageerada iyo maalgashiga siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in lagula dagaalamo cudurradan.

Cudurrada la dayacay ee kuleelaha ama dhulka kulul ee loo soo gaabiyo NTDs, waxaa loo tix-geliyaa in ay yihiin kuwo “la dayacay” sababtoo ah ajnadayaasha caafimaadka ee dunida kama helaan eegmadi ay u baahnaayeen, caadiyanna waxaa loo qondeeyaa miisaaniyad aan badneydn. Arrimaha ugu badan ee ka danbeeyaa in sidaas loo yareysto ayaa loo sababeeyaa in cudurradani ay ku badanyihiin bulshooyinka faqriga ah.

NTDs waa koox isugu jira dullin ama deris-ku-noole iyo il-ma-aragtooyin faafa. Waa cudurro raaga oo dadka cuuryaamiya, waxayna ku naaxaan oo ay ku tarmaan meelaha ay nadaafaddoodu liidato isla markaana aan laheyn ama ay ku yar yihiin biyaha nadiifka ah ee la cabo.

Qaar ka mid ah kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: lymphatic filariasis (lug ama lugo barar, trachoma (Daaf), river blindness (Cudur laga qaado wabiyada oo dadka indhaha tiro), schistosomiasis (Kaadi-dhiig), iyo intestinal worms (Gooryaan).Maanta cudurradani waxay saameeyaan ilaa hal bilyan oo qof oo ku nool Africa, Asia, iyo Latin America, Diinwaannada taariikheed ayaa muujinaya in cudurrada NTDs ay indho tireen, cuuryaamiyeen, muuqaal-xumeeyeen isla markaana dileen dadki dhibanaha u noqday qarniyadi tagay iyo taariikhdan casriga ah, iyaga oo isu maray jiilal ka jiilal.

Saameynta ay ku yeesheen shakhsiyaad iyo bulshooyin ayaa ah mid ma haddho noqotay oo lagu halaagsamay. Waxay waxyeelleeyaan horumarka maskaxda carruurta, waxayna hoos u dhigaan diiwaan-gelinta iskuullada. Waxay yareeyaan awoodihi uu ku shaqeysan lahaa qofka bukaanka u noqda cudurraan, sababtoo ah inta badan dadka ay ku dhacaan xanuunada NTD ma helaan daryeelki iyo dawooyinki ay u baahnaayeen. Waxay dadkaasi shabaqa ugu dhaceen faqri iyo cudurro.

Warka wanaagsan ayaase ah, in inta badan cudurrada NTDs ay yihiin kuwo laga hortagi karo ama la daweyn karo, mararka qaarna kharajka dawooyinka waa kuwo jaban.

Sannadki 2006, Dowladda Mareykanka ayaa ku biirtay olole caalami ah oo looga gol-lahaa xakameynta cudurradaan. Xilligaasi, Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah ee loo yaqaanno USAID, ayaa daaha ka qaadday barnaamij ay ugu tala gashay Cudurrada la dayacay ee Kuleelaha. Barnaamijkaas oo ahaa mid ay iska kaashanayeen dowladda iyo hey’adaha aan dowliga aheyn, si loo daweeyo dadka la dhibanaa cudurrada NTDs.

Barnaamijka wuxuu sidoo kale tiigsanayay in uu bulshooyinka halista u ah cudurka uu ka caawiyo, ka hortagga iyo yareynta faafista xanuunnadani. Sidoo kale wuxuu ka caawinayay, qeybinta dawooyin ay kusoo deeqeen shirkadaha soo saara dawooyinka, iyada oo loo marayay ololayaal ballaaran iyo cabbiraad lagu sameeynayay natoojooyinka.

Tan iyo sannadki 2006, USAID ayaa bixiysay in ka badan hal bilyan oo dollar si loo cirib-tiro cudurrada NTD. Hadda ku dhawaad 500 oo milyan oo qof ayaa ka maarmay daweynta saddexda cudur ee ugu halisan xanuunnada la isku yiraahdo NTD.

Iyada oo u sii mareysa USAID, ayay Dowladda Mareykanka la kaashaneysaa bah-wadaagteeda si loo yareeyo ama maalin uun la dabar-gooyo cudurradaasi halista ah, si loo horumariyo nolosha dad ka badan hal bilyan oo ruux oo ku nool caalamka.

XS
SM
MD
LG