Accessibility links

Breaking News

Ficillo lagu joojinayo xasillooni darrada Russia ay ka waddo Ukraine


Antony Blinken
Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Beesha caalamka waxay ka walwalsantahay diyaargarowga iyo gulufka ballaaran ee aanan laga fiirsan ee uu Ruushka ka wado xadka uu la wadaago Ukraine.

Dowladda Mareykanka oo kaashaneysa xulufadeeda iyo bah-wadaagteeda waxay ballan-qaadday in cawaaqib mug weyn uu ka dhalan doono, haddii uu Ruushka diido diblomaasiyadda isla markaana u dhaqaaqo inuu weerar millatari mar kale ku qaado Ukraine.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay, in ay jiraan halis kale oo aanan millatari aheydn oo uu Ruushka horay u sii qorsheeyay, kuwaas oo ah inuu ka sameeyo gudaha Ukraine. Mid ka mid ah waa howlgal uu Ruushka gudaha Ukraine uga abuurayo daandaansi taas oo uu rabo inuu marmarsiiyo uga dhigto si uu u dhaho waxaa gardarro igaga timid Ukraine, kaddibna uu qaado weerar horay loo sii qorsheeyay.

Waxaa kale oo jira dhaqdhaqaaqyo saameyn leh oo ay hagayaan sirdoonka Ruushka, sida hey’adda FSB, taasi oo qaabilsan qarbudaadda Ukraine. Si loo kashifo oo loo carqaladeeyo dhaqdhaqaaqyadaasi, Mareykanka wuxuu cunaqabteyn dul dhigay afar qof oo arrintaasi ku lug leh.

Laba ka mid ah waxay hadda xubno ka yihiin baarlamaanka Ukraine, waxayna kala yihiin Taras Kozak iyo Oleh Voloshyn. Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Kozak uu maamulo dhowr telefishan oo ka howlgala Ukraine isla markaana uu taageeray qorshe ay wadatay FSB kaas oo lagu ceebeynayay xubnaha sare ee maamulka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Qorshahaas ayaa si been abuur ah ugu eedeeynaya saraakiisha sare ee madaxtooyada in ay si qaldan u maamuleen cudurka COVID-19.”

Hey’adahiisa warbaahinta ayaa sidoo kale warbixinno been ah ka tabiyay doorashadi 2020-ki ee Mareykanka.

Voloshyn ayaa la shaqeeyay shakhsiyaad Ruush ah, si ay u wiiqaan saraakiisha dowladda Ukraine, iyaga oo markaasi wakil ka ah Ruushka. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay ninka uu Mareykanka calaamadeeyay ee la yiraahdo Konstantin Kilimnik. Ninkaan ayaa ah muwaadin Ruush ah oo xiriir la leh sirdoonka Ruushka. Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray kaddib marki uu isku dayay inuu saameeyo doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee 2020-ki, isaga oo matalayay Ruushka.

Labada kale ee la cunaqabateeyay ayaa xubno kasoo noqday baarlamaanka Ukraine, waxayna kala yihiin Volodymr Oliynyk iyo Valdimir Sivkovich. Oliynyk wuxuu ku howlgalayay hagista hey’adda mukhaabaraadka FSB, si uu usoo uruuriyo xog ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah ee Ukraine.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in “Weerarada xagga internetka ee soo noqnoqday ee ka dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine waa qeyb ka mid ah xeeladaha isku dhafan ee Ruushka... Waxaa loo naqshadeeyay sidii Ukraine loogu jiidi lahaa meeraha Ruushka.” Sivkovich “ wuxuu la shaqeeyay shabakad sirdoon Ruush ah si ay u fuliyaan howlgallo wax lagu saameynayay,” waxaa ku jiray dadaallo uu Ruushka ku doonayay in Ukraine ay kusoo wareejiso gobolka Crimea.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Blinken ayaa sheegay in cunaqabateynta la saaray afartaasi shakhsi ay ka duwantahay, xayiraahadaha dhaqaale ee aadka u daran ee ay Mareykanka iyo xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisu u diyaariyeen Ruushka, haddii uu weeraro Ukraine. Hase yeeshee wuxuu intaasi ku daray, “Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu qaado tallaabooyin, kuwaas oo ay ku jiraan ficillo kuwani la mid ah...si loo aqoonsado loona yareeyo dadaaladda carqaladeynta ah ee uu Ruushka ka wado Ukraine.”

XS
SM
MD
LG