Accessibility links

Breaking News

Sare u qaadidda la-xisaabtanka saraakiisha Cuba


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dawladda Mareykanka

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tallaabo u qaadday sidii ay xayiraado dhinaca dal-ku-galka Mareykanka ah u saari laheyd, sideed sarakaal oo Cuban ah kuwaas oo ku lug yeeshay isku dayo loogu diiday dadka reer Cuba, xuquuqdooda aas-aasiga ah iyada oo loo caga-jugleeyay, lana dul dhigay xarig sharci darro ah iyo xakun xabsiyo adag.

Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa wali ku jira jeelasha Cuba, kaddib bannaan-bixii 11-ku July. Dadkaasi qaar ayay xaaladdooda caafimaad kasii dareysaa mana heystaan cunto hagaagsan, dawo iyo in dadkooda ay soo wacaan ama ay soo booqdaan ama xitaa ay la kulmaan qareennadooda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa dhaqan-gelisay tallaabadani lagu beegsaday shakhsiyaadkaas, iyada oo raaceysa wareegtadi madaxweyne ee tirsigeedu ahaa 5377, taasoo oo xayireysa in Mareykanka ay dal ku gal caadi ah ku yimaadaan shaqaalaha Dowladda Cuba iyo kuwa Xisbiga Shuuciga. Siddeedan qof waxaa ka mid ah saraakiil Kuubaan ah oo lala xiriirinayo xariga iyo xakunka iyo jeel-gelinta dibadbaxayaashii ka qeybgalay bannaanbixi 11-ki July.

Kuwi ka qeybgalay bannaanbixi July 11, ayaa kala kulmay dowladda Cuba ciqaab aad u adag , iyadoo qaarkood lala rabo in lagu xakumo 30 sano oo xabsi ah. Dowladda ayaa si is xig-xigtay u xirtay Luis Manuel Otero Alcantara, Maykel Osorbo, iyo Jose Daniel Ferrer, dhamaantood hadda waxay ku jiraan xabsi, kaas oo ay ku muteysteen kaliyah in ay codkooda ku biiriyeen rabitaanka shacabka Cuba ee hanashada xorriyadooda.

Bartamihii bishii November, rajiimka Cuba ayaa ciidamo iyo kooxo abaabulan dirtay, si ay ugu caga-jugleeyaan atooraha riwaayadaha jila ee Yunior Garcia, kaas oo sannadki 2020-ki ka qeybgalay wada-hadalladi Wasaaradda Dalxiiska, isla markaana door ku lahaa abaabulka bannaan-bax kale oo nabadeed. Tan iyo markaas isaga iyo qoyskiisa ayaa u safray Spain.

Shacabka Cuba ayaa marar badan weydiistay dowladda in ay maqasho baaqooda ah in la ixtiraamo xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo dimoqraadiyadda. "Xaalad kasta, talisku waxa uu lumiyay fursadii wadahadalka, isagoo laba jibaaray aydiyoolojiyadda musalafka iyo nidaam dhaqaale oo fashilmay oo aan bixin karin baahiyaha aasaasiga ah ee Cuba," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Tallaabooyinki ugu danbeeyay ee xayiraadda fiisaha, waxay xoojinayaan ballanqaadkii Mareykanka ee ahaa taageeridda dadka Cuba iyo kor u qaadida la xisaabtanka saraakiisha Cuba, kuwaas oo awood u siinaya talisku ku xad gudubka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Ficiladani waxay kor u qaadayaan saamaynta afar cunaqabatayn oo Waaxda maaliyaddu soo rogtay, kuwaas oo la dhaqan galiyay tan iyo Luulyo 11 iyo ku dhawaaqistii Waaxda Arrimaha Dibadda ee 30-kii November ee xayiraadaha fiisaha ee sagaal sarkaal oo Cuban ah.
Maraykanku wuxuu sii wadayaa inuu isticmaalo dhammaan agabyada diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ku habboon si uu u riixo sii deynta maxaabiista siyaasadeed iyo inuu taageero baaqa dadweynaha Cuba ee xorriyadda iyo isla xisaabtanka.

XS
SM
MD
LG