Accessibility links

Breaking News

Belarus waa inay deg deg usii daysaa dhammaan maxaabiista siyaasadeed


 Alexander Lukashenko.
Alexander Lukashenko.

Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida dowladda Mareykanka

Doorashadi madaxtinimo ee khiyaanada iyo boobka ku saleysneyd ee dalka Belarus ka dhacday bishii August 2020-ki, ayaa dhalisay bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan waddanka.

Dibadbaxayaasha ayaa ciidamada amniga kala kulmay awood xad-dhaaf ah iyo cadaadis sii kordhayay oo uga imaanayay rajiimka Alyaksandr Lukashenka.

Tan iyo markaas hey’adaha xuquuqda aadanaha ee aan dowliga aheyn ayaa qiyaas ay sameeyeen ku sheegay, in rajiimka ay xireen dad ka badan 40,000 isla markaana ay kusoo oogeen dacwado la siyaasadeeyay, oo ay ku kasbadeen kaliyah in ay ka qeyb-galeen bannaanbaxyo nabadeed oo ay soo abaabuleen kooxaha u dhaq-dhaqaaqa dimoqraadiyadda.

Musharraxiinta mucaaridka iyo kaaliyaashooda ayaa la xiray laguna soo oogay danbiyo been ah, halka kuwo kalana lagu qasbay in ay dalka ka baxaan.

Ugu yaraan sided xubnood oo ka mid ah Heyadda xuquuqda aadanaha ee Viasna, [Vyah-snah] oo ah tan ugu weyn ee dalka Belarus, aadna u diiwaangelisay xad-gudubyadi dhacay wixi ka danbeeyay rabshadihii ka dhashay natiijada doorashada ayaa la xiray walina si gar-darro ah ugu jira xabsiga.

Ilaa iyo hadda, laba ka mid ah shaqaalaha Viasna ama si mutadawacnimo ah ugu shaqeeya ayaa xakunkooda lagu qaaday maxkamad albaabada u xiran kaddibna xabsi lagu xukmay.

Bishii March ee sannadki 2021, maamulka Belarus ayaa furay gal-dacwadeed siyaasadeysan oo ka dhan ahaa Viasna.

Maantadaan la joogo, rajiimka Lukashenka ayaa xabsiga ku haya in ka badan 1,000 maxaabisi siyaasadeed. Dadkaan ayaa dhammaantood ka soo kala jeeda qeybaha kala duwan ee bulshada, waxana ay dhibakan u mudanayaan iyaga oo gudanayay xaqqa ay u leeyihiin in ay cabbiraan xorriyul-qowlkooda, ururada iyo isu-imaatinkooda nabadda ku saleysan.

"Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistan - iyo kuwa horay loo haystay oo la sii daayay, iyo sidoo kale kuwa lagu qasbay inay dalka ka cararaan - ayaa lagu soo rogay shuruudo adag ah," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Xarumaha dadka lagu hayo waxaa laga diiwaangeliyay in si adag loola dhaqmo dadkaas iyo in lagu jirdilo. Maxaabiista siyaasadda qaarkood ayaa la ildaran cudurro halis ah iyo naafanimo waxaana loo diiday dawooyinka lagama maaramanka ah ama lagu tuntay si xaaladooda looga sii dhigo mid liidata si ula kac ah.

Inta badan ma helaan qareenno tayo leh oo iyaga matala, sababo la xiriira aargoosi uu rajiimka kula dhaqaaqay qareennada difaacaya. Tobneeyo qareen ayaa lagala noqday ruqsadahooda shaqo, mararka qaar waxaa loo taxaabaa xabsi sababo la xiriira ku dhiirrashada in ay matalaan maxaabiista ama shakhsiyaadka mucaaridka.

Maraykanku "wuxuu sii wadi doonaa inuu ka shaqeeyo caddaaladda dhibanayaasha iyo la xisaabtanka dambiilayaasha," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken, isagoo ugu baaqaya nidaamka Lukashenka inuu si degdeg ah oo shuruud la'aan ah u sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed. Waxa uu xusay in tani ay tahay tallaabo lagama maarmaan u ah Belarus si ay uga baxdo qalalaasaha siyaasadeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa Belarus in ay fuliso ballan-qaadkeeda ah ka xubin ahaan Golaha Amniga iyo Iskaashiga Yurub, iyo iyada oo gudaneysaa waajibaadka sharciyada caalamiga ah, in ay ixtiraamto xuquuqul insaanka iyo xorriyadaha aas-aasiga ah,” ayuu yiri Secretary Blinken.

“Waxaan garab taagannahay shacabka Belarus ee baadi-goobka ugu jira mustaqbal ku saleysan ku dhaqanka sharciga iyo isla-xisaabtanka iyo dowlad dimoqraaddi ah.”

XS
SM
MD
LG