Accessibility links

Breaking News

Taageeridda nabadda Yemen


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka waxay sii waddaa in ay taageerto xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo laga gaaro dagaalka Yemen. Xalkaas oo ay qeyb ka yihiin talooyin wax ku ool ah oo ka yimaadda dumarka, hogaamiyaasha bulshada rayidka ah iyo kooxaha kale ee la faquuqo.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in xilli la bixinayo gargaarka bani’aadannimo ee ay aadka ugu baahanyihiin, “Waxaan soo dhaweyneynaa dhaqaajinta wada-tashi loo dhanyahay kaas oo uu hogaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoonbay Hans Grunberg, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada in ay si buuxda uga qeybgalaan wadatashiyadaan, kuwaas oo qaabeyn doona waji cusub oo ay Qaramada Midoobay ku wajahi doonto geeddi-socodka nabadda.

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa hoosta ka xarriiqday in geeddi-socod nabadeed oo guuleysta ay waajib tahay in “lagu daro fikradaha iyo cabashooyinka dadka Yemen oo dhan, oo ay ku jiraan baaqyada caddaalada iyo isla-xisaabtanka.”

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweyneysa qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2624, kaas oo xasuusiyay Dalalka Xubnaha ka ah, waajibaadka ka saran cunaqabateynta hubka ee Yemen iyo in la cusbooneysiiyo xayiraadda dhanka socdaalka ah iyo dhaqaalaha ee la saarayo kuwa khatarta ku ah nabadda Yemen.

Joojinta hubka sharci darrada ah ee Xuutiyiinta uga imanaya Iran ayaa ah ahmiyadda ugu sarreysa. Hubkaasi kaliyah wuxuu sii hurinayaa dagaalka, car-qaladeynayaa gobolla isla markaana uga sii darayaa xaaladda dhibaatada dadka Yemen, ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

Ugu danbeyntii, Yemen ayaa wali ah halka ay ka jirto mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo kuwa ugu daran caalamka, iyada oo taasi ay daliil u tahay warbixinti ugu danbeysay ee muujisay walaaca cunta-yaraida baahsan ee halkaasi ka jirta.

Si wax looga qabto baahida gargaar ee halkaasi ka taagan, ayay Dowladda Mareykanka ku dhawaaqday 16-ki Marso in ay ku yabooheyso ku dhawaad 585 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo ay ugu tala gashay in wax looga qabto garaagrka bani’aadannimo ee dalka Yemen.

Waa gargaarki ugu badnaa oo ay halmar dowladda Mareykanka ku deeqdo, marka la isu geeyo, Dowladda Mareykanka ayaa bixisay ku dhawaad 4.5 bilyan oo deeq ah tan iyo marki ay billowdeen colaadaha Yemen muddo hadda laga joogo wax ka badan todobo sannadood.

Kaliyah 30 boqolkiiba ayaa la yaboohay 16-ki Marso, gargaarla bani’aadannimo ee loo baahanyahay ee dalka Yemen, sidaasi daraadeed ayay Dowladda Mareykanka ku boorrineysaa deeq-bixiyaasha gaar ahaan kuwa gobolka in ay ka qeyb-qaataan gargaarka loo ururinayo dadka dhibaateysan ee Yemen.

Kaalmaha ayaa aad muhiim ugu ah naf badbaadin in in ay dhibaatada yareyso, laakin waa in ay gaartaa dadka sida daran ugu baahan, ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Mar kale ayaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan howlaha gargaarka si loo xaqiijiyo in kaalmada ay gaartay dadka loogu tala galay in ay helaan.”

Gargaar bani’aadannimo oo qura ma xallin karo xiddada waxa sababay dhinaatadan, dhammaan dhinacyada colaadda ku lugta lejh waa in ay joojiyaan rabshadaha si waddo loogu helo xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo waara oo laga gaaro colaaddan, iyada oo la eegayo danaha dadka Yemen.

XS
SM
MD
LG