Accessibility links

Breaking News

Kaalinta Belarus ee dagaalka Ukraine


Russia's President Vladimir Putin speaks with Belarus President Alexander Lukashenko during their talks at the engineering building of the technical complex of the Soyuz-2 space rocket complex at the Vostochny Cosmodrome, some 180 km north of Blagoveschen
Russia's President Vladimir Putin speaks with Belarus President Alexander Lukashenko during their talks at the engineering building of the technical complex of the Soyuz-2 space rocket complex at the Vostochny Cosmodrome, some 180 km north of Blagoveschen

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Belarus waa mid ka mid ah dalalka xulufada dhaw la ah Ruushka. Nidaamka kaligii taliska ah ee Aleksandr Lukashenka ayaa waddankani yar xakumayay 28-ki sano ee lasoo dhaafay, waxana uu si xoog leh ugu tiirsanyahay Ruushka, si uu usii jiro.

Russia ayaa muddo sannado ah kabeysay dhaqaalaha liita ee Belarus iyada oo u mareysay deymo dul-saarkoodu hooseeyo iyo qiimo dhimista shixnadaha saliidda iyo gaaska. Ruushka ayaa mar kale taageero dhaqaale u fidiyay nidaamka Lukashenka, si uu uga khafiifiyo cuna-qabateynta dhaqaale ee ay xubnaha bulshada caalamka qaar ku soo rogeen Belarus.

Tan iyo markaas, Belarus ayaa kula biirtay Putin duullaakna uu ku qaaday Ukraine, iyaga oo ugu khidmeyay in ay siiyaan Ruushka meelo ay cutubyada Moscow kasoo abaabulaan weerarada ay ku ekeeyeen waqooyiga Ukriane, sidoo kale waxay millatariga Ruushka siiyeen taageero kasta oo ay kaga baahdeen.

In yar kaddib marki uu dagaalka billowday, waxkabaddal been ah oo lagu sameeyay dastuurka ayaa Belarus ka saaray dhex-dhexaadnimada iyo hadafkiisa ah inuu noqdo dal ka caagan niyukleerka. Waxaa intaasi sii dheer in waxkabaddalka dastuurka lagu daray in lasii xoojiyo awoodaha uu waddanka ku maamulo hogaamiye Lukashenka.

Lukashenka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday suurtagalnimada in Belarus ay marti geliyo hubka niyukleerka ee Ruushka.

“[Belarus] iyo madaxweyne Lukashenka waxay ogaaldeen in madaxweyne Putin u uku jees jeeso madaxbannaaniada Belarus iyo inuu xumeeyo madaxbannaanideeda,” sidaa waxaa yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price.

“In muddo ahba sidaas ayay arrimuhu ahaayeen, xilli ay ciidanka Ruushka kusoo qul-qulayaan Belarus isla markaana ay safaf ka galeen gudaha Belarus … inay dhulka Belarusta madaxa bannaan ka sameeyaan weerar aanan loo qiil-dayin, horay loo qorsheeyay ee gardarrada ah iyo dullaan loo geysto waddan saddexaad.”

Go’aanka uu Lukashenka ku taageeray kuna fududeeyay dagaalka gardarrada ah ee ay Moscow ku qaadday Ukraine, ayaa ka imanaya dareenka guud ee shacab-weynaha Belarus.

Sida uu sheegay Machadka Madaxa-bannaan ee Chatham House, ee ka faallooda arrimaha siyaasadda xaruntiisuna tahay London, 79 boqolkiiba 79 boqolkiiba shacabka Belarus ayaa aaminsan in askari ka tirsan Belarus uusan aheyn inuu u dhinto dagaalka Putin ee Ukraine. In ka badan kala bar ayaa rumeysan in Belarus ay ku adkeysato dhex-dhexaadnimo.

“Belarus …ayaa si issa soo tareysa u sii noqonaya waddan madaxa u dhiibtay oo adeeca Russia, taasoo muujineysa mar kale sida uu madaxweyne Lukashenka uusan u rabin inuu dhageyso rabitaanka dadkiisa si uu ixsaan ugu sameeyo Moscow, taasi baddalkeedana uu talada kusii nagaado,” ayuu yiri Afhayeen Price.

“Natiijada ka dhalatay taageerada aanan la aqbali karin iyo xitaa fududeynta aan arkeyno ee uu rajiimku ku garabsiinayo duullaanka Ruushka ee Ukraine, ayaan go’aansannay inaan kusoo rogno xayiraado. Waxaan cuna-qabateyn saarnay tobneeyo shakhsi oo reer Belarus ah iyo shirkado. Ficilladaan ayaa diiradda saaraya difaaca Belarus iyo unugyo xiriir la leh iyo waaxaha dhaqaalaha, kuwaas oo xiriir dhaw la leh Ruushka.”

“Waxaan aragnay in madaxweyne Lukashenka uu mar walba dhinac isaka dhigo … rabitaanka dadkiisa isla markaana is barbartaagay madaxweyne Putin iyo millatarigiisa ee weeraray Ukraine,” ayuu yiri afhayeen Price. “Haddii taasi ay sii socoto, Belarus wuxuu wajahi doono tallaabooyin waaweyn oo isla xisaabtan ah.

XS
SM
MD
LG