Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo gargaar dheeri ah siinaya Geeska Afrika


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa 200 oo milyan oo dollar oo dheerad ah oo gargaar bani’aadannimo ah u direysa Geeska Africa, halkaas oo la saadaalinayo in in ka badan 20 milyan oo ruux ay u baahanyihiin mucaawino cunto deg deg ah, gaar ahaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.
Gobolkan ayaa waxaa la dagay colaado iyo abaaro muddo 40 sano ah.

Gargaarka dheeraadka ah oo dhawaan looga dhawaaqay shir ka dhacay Geneva oo looga hadlay Abaarta Geeska Africa, ayaa waxaa loo marsiin doonaa Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Waaxda Arrimaha Dibadda.

Waxaa loogu talagalay in wax looga qabto baahida qaxootiga, dadka gudaha ku barakacay, dadka ay colaaduhu saameeyeen ee ku tiirsan beeraha iyo xoolaha.

Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani Aadannimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in abaarta ka jirta guud ahaan Africa ay bar bar socoto, colaado ka jira Soomaaliya iyo Itoobiya, laba sano oo cudurka COVID-19 iyo iinki uu reebay iyo dhibaato daba dheeraatay oo laga dhax-lay axaya saxaraha.

Dagaalka Ukraine ayaa uga sii daray xaaladda cunto-yarida, kaddib marki uu sababay in qiimaha cuntada daruuriga ah uu sare u kaco, waxaa sidoo kale cirka isku shareeray shidaalka iyo aaladaha wax lagu bacrimiyo.

"Waa in aan dhammaanteen kor u qaadnaa oo aan tusnaa dadka gobolkan in aan halkan u joogno si aan uga caawinno yareynta dhibaatada iyo in aan tusno in macluusha uusan boos uga bannaaneyn qarnigaan 21-aad," ayuu yiri ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini'aadantinimada Martin Griffiths.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu deeqsi-san dalalka bixiya gargaarka bani’aadannimo ee Geeska Africa. Lacagtaan dheeraadka ah ee labada boqol ee milyan marka laga yimaado, Mareykanka wuxuu gobolka ku bixiyay $361 milyan oo gargaar bani’aadannimo ah sannadka 2022.

Sida ay sheegtay USAID, lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero Qaramada Midoobay iyo hey’adaha aanan dowliga aheyn, gaar ahaan howlaha samafalka ah ee ay wadaan sida, cuntada deg degga ah, kaalmada nafaqada, caafimaadka, biyo nadiif ah, nadaafadda iyo fayo-dhowrka iyo taageero dhanka nolosha ah oo loo fidinayo qoysaska uu dakhligoodu hooseeyo si xoolahooda ay u dhaqdaan.

Bayaan uu soo saaray oo lagu shaaciyay kaalmada dheeriga ah, ayuu Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ku xusay dhibaatada bini'aadantinimo ee ka sii daraysa ee gobolka.

In “si deg deg ah, nabad ah, oo buuxda isla markaana aanan caqabad laheyn waa in hey’adaha iyo shaqaalaha gargaarka ay galaan-gal ugu helaan si ay u bixiyaan gargaar muhiim ah oo waqitiisa ku dhaca oo loo fidiyo kuwa ay saameysay abaarta iyo colaadda hadda socota.” Wuxuu intaasi raaciyay. “Waanu soo dhaweyneynaa yabooha deeq-bixiyaasha kale ee raba in dhibaatadani ay ka jawaabaan, waxaan ku boorrineynaa kuwa kale in ay gacan-furan u taageeraan baahida bani’aadannimo ee ka dhalatay abaartaan taariikhiga ah.”

XS
SM
MD
LG