Accessibility links

Breaking News

Afghanistan oo mareysa xilli halis ah


Afghan men flee near the site of explosions at Khalifa Sahib Mosque in Kabul, Afghanistan April 29, 2022.
Afghan men flee near the site of explosions at Khalifa Sahib Mosque in Kabul, Afghanistan April 29, 2022.

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa si aad ah uga tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay dalka Afghanistan.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,000 qof ay ku dhinteen dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay 23-kii Juun, halka ay boqollaal kalena ku dhaawacmeen gobollada Paktika iyo Khost.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “dadka reer Afghanistan waxa ay soo mareen dhibaato aan caadi ahayn, musiibadan dabiiciga ahna waxa ay kaga sii darta xaaladda bini’aadannimo ee aadka u daran. Hay’adaha gargaarka ee la shaqeeya Mareykanka ayaa durba ka jawaabaya, iyaga oo u diray kooxo caafimaad oo caawiya dadka ay dhibaatadu saameysey, waxaana aan qiimeyneynaa xulashooyinka kale oo aan kaga jawaabeyno."

28-kii Juun, Maraykanku waxa uu ku dhawaaqay ku dhawaad $ 55 milyan oo maalgelin ah si loo daboolo baahiyaha bini’aadannimo ee ba'an ka dib dhulgariirkii dalkaasi ku dhuftay iyo baahiyaha bani’aadannimo ee ballaaran ee ka jirta guud ahaan Afghanistan.

Dhulgariirkii ugu dambeeyay ayaan aheyn dhibaatada kaliya ee culus ee haysata shacabka Afgaaniyiinta ah. Intii uu socday Shir ay Golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Afghanistan ayuu Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini'aadannimada Martin Griffiths waxa uu xusay in isbeddelladii lama filaanka ahaa ee bishii August ee sanadkii hore ka dhacay Afghanistan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay keeneen dhibaatooyin bani’aadannimo oo joogto ah.

25 milyan oo qof oo Afgaaniyiin ah ayaa hadda ku nool xaalad faqri – waana dad ka badan laban-laab tiradii ay ahayd sanadkii 2011-kii. Intaa waxaa dheer, xaaladda xuquuqda aadanaha ayaa aad uga sii dartay tan iyo markii ay Taliban la wareegtay gacan ku haynta caasimadda Kabul.

Ku-simaha Isku-duwaha Arrimaha Siyaasadda Mareykanka Trina Saha, ayaa ku tilmaantay xaaladda hadda taagan “xalli adag oo Afghanistan ay wajaheyso, ay xorriyaddii ay xubnaha warbaahintu shaqadooda ku qabsan lahaayeen soo yaraaneyso, halka hanjabaadaha ay wajahayaan xubnaha diimaha iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay sii kordhayaan,” ayay tiri. “Dadka ku nool dunida oo dhan waxa ay si cad u diideen awaamiirta ay Taliban soo saartay ee haweenka iyo gabdhaha looga xayuubiyay qiyamkooda,” tallaabooyinkaasi oo ay ku jirto in laga mamnuucay in ay gabdhuhu helaan waxbarasho ka sarreysa fasalka 6-aad iyo in ay kooxdu soo rogtay in dumarku ay xijaab adag xirtaan, lagana joojiyay safarrada.”

Mareykanku waa dalka koowaad ee deeqaha bani’aadannimo ee ugu badan siiya shacabka reer Afghanistan, iyadoo tan iyo bishii August ee sanadkii hore uu Mareykanku ku yaboohay adduun ka badan 775 milyan oo dollar oo ay u sii marisay hay’adaha gargaarka ee la shaqeeya Mareykanka. Ku-simaha Isku-duwaha arrimaha siyaasadda, Saha, ayaa ku boorrisay xubnaha kale ee beesha caalamka in ay kordhiyaan taageeradooda bani’aadannimo. “Mareykanka” ayay tiri “waxa uu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay taageerada shacabka reer Afghanistan.”

XS
SM
MD
LG