Accessibility links

Breaking News

Yemen: Xabad joojin iyo fursad lagu soo afjaro xasaradda bani'aadaminimo


YEMEN-CONFLICT

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Labadii bilood ee labaad ee xabbad joojinta ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay ee u dhexeeya dowladda Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa waxay keentay rajo ah in nabad waarta laga helo dalkaasi. "Heshiis-kordhintan… waxay bixinaysaa fursad muhiim ah oo looga gudbi karo oo xoogaan, oo dhammaystiran… Waxuuna heshiis kan si macno leh u ballaarinaya faa'iidooyinka Yemeniyiinta una oggolaanaya in xal waara laga gaaro colaadda socotay muddo aad u dheer, socotey" ayey tiri Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas Greenfield.

"Heshiiska la balaariyay waxa uu ogolaanayaa in laga wada hadlo sidii loo xaqiijin lahaa xabad joojin guud oo dalka oo dhan ah loona gogol xaarayo in dib loo bilaabo hannaankii siyaasadeed ee Yemeni hogaaminaysay. hannaanka noocaan ah ee siyaasadeed waa inuu ku jiraa talooyin macno leh oo ka yimaada haweenka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah, iyo xubnaha beelaha kale ee la takooro."

Xabbad-joojintu kaligeed ma xallin karto dhibaatada bini'aadantinimo ee Yemen. Laakin waa in ay wax ka qabato bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah, waa in la balaadhiyaa duulimaadyada Yamaniyiinta si ay u helaan daryeel caafimaad oo dibadda ah, iyo in ay horseeddo in dib loo furo waddooyinka, gaar ahaan agagaarka galbeedka magaalada Taiz.

Tani waxay u oggolaan doontaa shaqaalaha gargaarka xorriyadda dhaqdhaqaaqa ay u baahan yihiin inay gargaar bini'aadannimo gaarsiiyaan malaayiin Yemeniyiin ah oo u baahan gargaar. Waa "muhiimad bani'aadanimo oo soo daahday," ayuu yiri danjire Thomas Greenfield.

“Dhinaceena, waxaan Yemen ku bixinay in ka badan $1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo 2022 iyo ku dhawaad $5 bilyan tan iyo 2014, taas oo naga dhigaysa deeq bixiyayaasha ugu badan ee dadaalkan. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay nagu soo biiraan, iyo adduunka intiisa kale, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka, Laaknise Yemen Waxey u baahantahay intaas in ka badan oo gar gaaro bini aadannimo ah ayay tiri ambassador Thomas Greenfield,

"Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha gobolka, si ay u kordhiyaan taageerada dhaqaale ee gacan ka geysan doonta xoojinta dadaalka dowlada Yemen ee lagu xaqiinayo xasilinta dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah."

"Maraykanka iyo beesha caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan nabadda Yemen iyo geeddi-socodka soo kabashada - laakiin marka hore, dhinacyada Yemen laftoodu waa inay doortaan nabadda. "

Tani waa wakhti xasaasi u ah Yemen, ayay tiri danjire Greenfield. "Xaqiiqda ah in xabbad joojinta Yemen ay sii socoto waxay sabab u tahay rajada. Waxay na si weyn u yaraysay rabshadaha, waxay na badbaadisay nolosha, waxayna hagaajisay xorriyadda dhaqdhaqaaqa; waxay abuurtay dardar ka dhanka nabadda ah. Hadda, waa inaan hore u qaadnaa tillaabooyinka xiga.”

XS
SM
MD
LG