Accessibility links

Breaking News

Guulaha Mareykanka ee kulanka 51-aad Golaha Xuquuqda Aadanaha QM


Tani waa Faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka.

Intii lagu guda-jiray Kalfadhigii 51-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, dowladda Maraykanku waxa difaacday ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee adduunka.

Mareykanka ayaa gacan ka geystay qaraar ay hogaaminayaan 26ka dowladood ee xubnaha ka ah Midowga Yurub oo ay kaashadeen in ka badan 40 waddan oo muujinaya walaac aad u weyn oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee sii xumaaneysa ee Ruushka, oo ay ku jiraan xaddidaadyo daran oo lagu soo rogay xorriyadda hadalka.

Mareykanka iyo in ka badan 35 urur ayaa miiska soo saaray go'aan lagu falanqeynayo qiimeynta Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee ku saabsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, kaas oo lagu faahfaahiyay "xadiga takoorka eel ala beegsanayo Muslimiinta Uyghurs-ka ah. Kuwaas oo la sheegay inay noqon karaan dembiyo caalami ah, gaar ahaan dembiyada ka dhanka ah bini'aadminimada. Tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay Golaha in dal xubin ah uu qaado tallaabo rasmi ah oo wax looga qabanayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Maraykanku waxa uu taageeray qaraar lagu cusboonaysiinayo laguna xoojinayo awoodda Ergeyga Gaarka ah ee xaaladda Afgaanistaan, si loogu daro dukumentiyada, ilaalinta, iyo ka warbixinta xadgudubyada, gaar ahaan arrimaha saameeya haweenka iyo kooxaha laga tirada badan yahay.
Maraykanku waxa kale oo uu gacan ka geystay qaraar lagu hubinayo in Golaha lagu faaqido xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Maraykanku waxa uu gacan ka gaystay qaraar ku saabsan sii wadida la shaqaynta Golaha ee dawladda Sri Lanka, iyada oo laga taageerayo baahida loo qabo la xisaabtanka xadgudubyadii hore iyo kuwii la galay intii lagu jiray qalalaasaha siyaasadeed ee dhowaa. Xoojinta ilaalinta iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka ayaa waxa barbar socda dib u habayn siyaasadeed mid dhaqaale iyo dhaqaale.

Mareykanka ayaa mar kale indhaha caalamka ku jeediyay xadgudubyada joogtada ah ee ka socda Suuriya, oo ay ugu horreyso kuwa uu gaysto nidaamka Bashaar Al-Asad.

Sido kale maraykanka ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo nidaamka Nicolas Maduro ee xadgudubyada xuquuqul insaanka ka wada Venezuela, Mareykanka ayaa ka shaqeeyay qaraarka lagu cusboonaysiinayo shaqada Ergada Xaqiiqda Raadinta ee Venezuela.

Intii lagu guda jiray sannadkiisii ugu horreeyay ee Golaha Xuquuqul Insaanka, Maraykanku wuxuu ka shaqeeyay in uu Golaha ku riixo si uu u milicsado oo u xoojiyo qiyamka caalamiga ah, himilooyinka, iyo xeerarka aasaasiga ah ee nidaamka Qaramada Midoobay ku dhisnayd 75kii sano ee la soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG